Masuuliyiin ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta tababar u soo gaba gabeeyay boqolaal askari oo ka tirsan culimaa’udiinka Ahlu Sunna.Ciidamadaan ka soo baxay tababarka ee ka tirsan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ayaa qaadanayay tababarkaan mudo sedax bilood ah iyadoo tababarkaasi uu ka socday Xarunta Balli Soomaaliya ee bariga Magaalada Caabudwaaq.
Saraakiisha tababarka bixinaysay ayaa waxaa ay ahaayeen Saraakiil ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaaca halka qarashaadkii ku baxayana ay qeyb ka geysteen Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud,waxaana saraakiisha tababarka fidinaysay ay sheegeen in ciidamada tababarka u soo gaba gaboobay ay ka qeyb ka noqon doonaan kuwa ka shaqeeya amniga iyo nabad galyada deegaanada hoostaga Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.Ma’ahan markii ugu horeeysay ee Tababar uu u soo gabagaboobo ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna balse tababarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay ku qaataan Magaalada Caabudwaaq.Ciidamada tababarka uu u soo gabagaboobay ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay dhoolo tus ku sameeyeen gudaha Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaana lagu wadaa in qaarkood loo dhiibo saldhiga booliska ee degmadaasi.
Ahlu Sade Wal Jamaa the only force in Somalia stopping the Khawarij from total takeover




