Page 1 of 1

Somaliland to hand over 2 Sheikhs to Ethiopia

Posted: Sun Nov 08, 2009 2:39 pm
by hanad_mn
[quote]Xukuumadda oo Saacado U Qabtay Odayaasha Burco In ay ku Soo Dhiibaan Wadaaddo lagu Daba jiro
Written by Qarannews
Nov 08, 2009 at 11:44 AM
Burco (Qarannews) - Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin ayaa shalay odayaasha magaalada Burco ugu baaqay in ay laba cisho gudahood gacanta dawlada ku soo galiyaan laba wadaad oo ka tirsan culimada Burco oo ethiopia doonayso, kuwaas oo kala ah Siciid Axmed Jaar oo ay ciidamada Booliska Burco hore ugu weerareen Masaajid uu ku Tuganayay iyo Aadan Axmed Caare oo isna ka tirsan culimada gobolkaasi.Waxa kale oo uu guddoomiyaha gobolku uga digay madax-dhaqameedyada magaalada hadii ay muddadaa ku fulin waayaan amarkiisa in ay dawlada xoog ku soo qabanayso raggaa xukuumadu raadinayso xilliga ay doontaba ha noqotee si ethiopia loogu gacan galiyo.
Guddoomiyaha G/togdheer ayaa sidaasi ku sheegay shir balaadhan oo uu shalay xaruntiisa kula qaatay qaybaha bulshada Burco oo ay ka soo qaybgaleen Boqolaal qof,kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen gudida-nabadgelyada gobolkaasi.waxaana haddaladiisii ka mid ahaa: "Waxaanu idiinku yeedhnay in aanu idinku wargalino hawlaha Amaanka ee ay dawladu fulinayso iyo xidhiidhka udhexeeya dawlada iyo Ethiopia.waydun ka war haysaan hawlihii ciidamada gobolku in ay hakad galeen muddadii ka dambaysay xilligii ay ciidamada dawladu hawlgalka ku filiyeen qabashada Siciid Axmed Jaar, anagaa siidaynay markii ay ciidamadu weerareen shacabkaananu u tudhnay.

Sidaa darteed waxa la idiinka baahan yahay muddo laba cisho gudahooda in aad gacanta dawlada ku soo galisaan Siciid Axmed Jaar iyo ninka kale ee dawladu isna rabto ee Aadan Axmed Caare.
Waxaanu Intaasi ku daray Mr. Biin isagoo hadalkiisa sii wata mar uu ka hadlayay talaabooyinka ay qaadayaan hadii la soo qaban waayo raggaa uu sheegay "Hadii aad muddadaasi ku keeni waydaan reer Burco ragaas ama dambi hagalaan ama halagu waayee dawladu xoog ayay ku soo qabanaysaa xilliga ay doontoba ha noqotee magaaladuna u ruxmimayso maxaa yeelay annagu markii hore raggaasi dambi umaanu haynin laakiin waxa ay ka yaaceen waa dambi oo waxay sameeyeen amar-diido.

"