Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:03 pm

Jacaylka Naag Somaliyeed ninoow na yuu waqti kaaga lumin ee markaad u baahato soo iibso mid iib ah, waa iibe (Qaybta 1aad‏)


Image




FARAXAAN JAMAAC XASAN



09/11/09



Waxaan maalmahan warbaahinta qaar ku arkay qoraalo jacaylo iyo rag somalia oo guursaday dumar ajaaniib ah hadaba dhalinyadara somalida waxaan doonayaa inaan u sheego sheekoyin dhab ah oo jacayl oo aniga i soo maray islamrkaana aan idiin fasiro ciwaanka qoraalkayga hadaba aniga oo ah wiil somaliyeed islamarkaana dhashay1982 waxaan waxbarashayda dugsiga sare ka dib bilaabay xoogsi iyo sheeko guur waxaan waxaanu isbaranay gabadh aad u qurux badan runtii waxaanu seeska u dhignay jacayl aad u xiiso badan garo oo akhriste anigu,shaqsi ahaan nin ahaan waxaan ahay qof alle u dhaliyey aftahanimo golle joogsi hub qaad wacan aniga iyo gabadhii waxaany si weyn u beeray jacayl miisaan culus leh waxaanu isla gaadhnay heer aanu mid mid kale hadii waqtiga aanu is araki jiray uu ka habsaamo uu mid weliba uun halkiisa ku muraara,dilaaco meel kasta ordo oo uu kadayo ka kale gabadhii waxaanu indhahayaga iska jecelaano waxaanu soo gaadh nay waqtigii guur loo qalab qaadan lahaa anigu waan iska ladanahay waan iska xoogsadaa waxaan ku idhi xabiibi macaan waxaa la soo gaadhay gebogebadii waqtigii guurkeena rasmiga ah halkaas ayaa waxaa ka bilaabmay burburkii jacaylkii qaaliga ee aanu sanadka iyo badhka soo wadnay waxay igu tidhi reerkayaga imisa lacag ah ayaad siinaysaa arooskayga halkee laga tumayaa meherkaygu 5000 $ ayaan rabaa arimahaaswaxay igu noqdeen yaab iyo aman kaa,ag waxaan walaal macaan reerkiina waan hagaajinayaa arooska wixii aan hayo waxba kaa hagran maayo ma wax baynu kala iibsanaynaa mise reer inaga dhexeeya ayeynu dhisaynaa waxay igu tidhi waxaan aan kuu sheegay oo weliba baabuurta arooskayga soo gelbinaysaa 100gaadhi noqonto mooyaane waxba socon maayaan.

Arinkaas waxan damacay inaan ku qanciyo inaanu faa,iido noo lahayn if iyo aakhro toona laakiin nasiib daro aniga oo weli qancintii ku jira ayaa gabadhii aabeheed oday laba baabuur iyo laba bakhaar leh siiyey waxaanu halkaas ku burburay jacaylkii aan wada dhisaynay halkii ayey odaygii ku raacday anigii yaab muraaradilaac calaacal meel waayey waaan ka soomay cunto cabitaan waxaan noqday qof jooga oo maqan hadana murugo weyn ayaa ii dhamaatay markii dhibkaasi isoo gaadhay waxaan go,aansaday inaan iyadii u duceeyo waxaan alle uga baryey inuu guurkeeda mid khayr qaba uga dhigo nasiib daro aniga oo u duceeyey hadabna markii uu gabadhii odaygii sanad qabay ayaa islaantiisii hore ee odaygu qabay oo odayga isaga xayraan ah la soo kifaaxday odaygii culays ku saartay inuu furo gabadhii oo qof yar u dhashay odaygii markii uu culayskii u adkaysan kari waayey wuu furay gabadhii oo qof yar wadata halkaas ayaa gabadhii inanimadeedii ku weyday anigii aanu isku weynay welina dib looma guursan marka halkaas ayaau ku kala faataxaysanay gabdhaas hore iyo jacaylkaygii loo xanibay qarashka faraha badan ee aan waayey awgiis mudo waxaan aamus naadoba waxaan bilaabay damac iyo hami jacayl hor leh

LA SOCO QAYBTA LABAAD OO XIISO BADAN WALAAHI WAA JACAYL DHAB OO I SOO MARAY ANIGA

FARAXAAN JAMAAC XASAN
FINLAND HELISINKE





Part 2


Image

Jacaylka Naag Somaliyeed ninoow na yuu waqti kaaga lumin ee markaad u baahato soo iibso mid iib ah, waa iibe (Qaybta 2aad‏)



FARAXAAN JAMAAC XASAN



10/11/09



Markii aan ka faraxashay dhibkii in mudo ah aan la, tiicayey ee uu i taartay jacaylkii hore ee rajo la, aanta ku dhamaaaday waxaan bilaabay damac jacayl ilaa ina arag damac iyo dacar midna kama soo dhamaado,e waxaan jeclaaday gabadh cusub oo aad u qurux badan waxaan doonay cidii na xidhiidhin lahayd ilaa jacaylku markiiba isku soo bood maaha ee waa qof meel aad ku aragtay oo ku qaciyey adiga naftaadu raali ka noqotaye waxaan helay gabadh ay isku xaafad yihiin oo is yaqanaan gabadhii aan jeclaaday waxaan qoray waraaqo ka had,la,ya jacaylkayga iyo inaan rabo inaanu kulamo samayno waxaan waraaqahaas ugu dhiibay gabadhii ay isku xaafada ahaayeen markii aan tiroba afar jeer waraaqo u diray ee aan wax jawaab laygu soo celin waan yaabay waxaan u kuuray toloow waraaqahaagu ma gaadheen gabadhii aad jeclayd waxaan sameeyey baadhitaan faro badan oo igu qaatay hal week waxaan soo ogaaday in,aan gabadhii wax waraaq ahi gaadhin oo meesha gabadhii aan miciinka mooday ay xaasid xaasid ila ciyraatay waxaan go,aansaday inaan anigu afkay kala bogto gooray noqotoba nasiib wanaag goor galab ah ayaan meel wado kaga soo hor baxay gabadhii jacaylkeedu sida buna ii hayey waa tuma waa layla markii aan indhaha qac kusiiyey waxaad moodo roob baa iga qaaday waxaan ugu horeysiiyey salaanta muslimka ogoow akhriste hore wax aqoon ah isuma aanu lahayn layla iyo anigu markii aan salaamay kadib waxaan ku idhi walaal iska waran iyo waa nabad ayey iigu jawaabtay walaal wax maku su,aali karaa adiga oo raaliya haa ayey iigu jawaabtay way istaagtay markaas oo xoogaa socodkii way gaabisay waxaan ku idhi walaal waxaan ahay nin magiciisa layidhaado farxaan oo adiga ku jecel markaa sidaan kuu heli karaa inaan kulano hadii aynu kulmi karo in,aan wado sheekaysano ayaan u baahnaaye waxay iigu jawabtay walaal jacaylku waa wax soo jireen qofkuna hadii ku yidhaado waan ku jeclahay ku jantay ayaa loogu jawaabaa eryaadkaas qaaliga ah ee geesinimada leh ee layla iiga soo baxay waxay geliyeen dhiirani xoog leh waxaan ku idhi iniga oo faraxsan walaal sidee u kulmi karaa waxay iigu jawabay waxay ku kulmi karaa guriga heblaayo oo xaasiibadeed ah oo ay ii tilmaantay waxaan ku idhi waayahay macaan naftayda maalintaas waxay u hayd maalin farxadi hadhaysay oo taariikhda faraxadahayga ku suntan waan macasalaameeyey layla si ay hawsheed usii wadato anigu damaashaas jacalka aan gacanta ku dhigay awgiis ayaan suuqa la galay waxaan fadhiistay goob macamacaan le ah oo dhalinyaradu isugu timaado waxaan ii yimi koox dhalinyaro ah waxaan u yeedhay mid ka midh ah shaqaalihii meherada waxaan ku noo keen sharaab cuntooyinka fudud ee la cuno waqtiyada qaar aniga iyo dhalinyaradan ba kaleba waa goor casar liiq ah maan ogayn goor waxaa naloo keenay sharaabkii iyo cunooyinkii yar yaraa laakiin anigu goor aan cabay maan ogayn sharaabkii runtii waxaan ku war helay xitaa dhalinyadii oo qaar meeshii ka keceen anigu waxaan ii sawiran hadalkii layla oo keliya waxaan bixiyey lacagtii meherada goorta aanu kulanay layla waa maalin arbaca ah waxay balanka ii qabatay maalinta jimace gelinkeea danbe maalinmadii khamiista waxaan iyana ku dhamaystay faraxad aan sugu kari laa inta jimaca la gaadhayo oo igu dhaaratay waar ma sanad maalintas khamiistu badanaa waxaala soo gaadhay maalintii jimace waxaan u lebisanahay lama arag iyo lama maqal shimabiraha ayaa idaba guuraya waxaa soo raacay wiil aanu saaxiib nahay maxamed deeq la yidhaado oo gaadhi wata ayaa igu walaahi farxaanoow galabta saaxiib lugu kuu quudhi maayo meeshaad u socoto anigaa ku geynayaa ee ina keen waanu ii soo qaaday waxaa in dhigay iridka gurigii aan rabay waxaana igu yidhi markaad hawshaad dhamaysato ila soo hadal anu is raacnee oo suuqa wada aad ee

LA SOCO QAYBTA DANBE IYO KULANKII LAYLA IYO ANIGA EE GALABTAAS NA DHEX MARAY

FARXAAN JAAMAC XASAN
HELISINK
FINLAND









Part 3

Image

Jacaylka Naag Somaliyeed ninoow na yuu waqti kaaga lumin ee markaad u baahato soo iibso mid iib ah, waa iibe (Qaybta 3aad‏)






BY:FARAXAAN JAMAAC XASAN




12/11/09



Waxay inoo joogtay markii saaxiibkay guriga hortiisa i dhigay dabcan markii guriga hortiisa lay i dhigay waxaan garaacay albaab guriga waxaan si qaderin leh iiga furtay albaabka guriga marwadii guriga lahayd marwo caasho waxayna marwo caasha salaantay hadalo naxariis ku jirto iyo soo dhaweyn aad u sareysa oo ay igu qaabishay kadib waxa ay ii daadihisay qolka fadhiga guriga oo markii aan albaabka qolka fadhiga guriga galay waxaa indhahaygu qabteen jacaylkaygii layla oo aanu samaynayno kulan kaygii u horeeyey markiiba salaan gacaltooyo ku dheehantahay ayey igu salaantay layla,, layla iyada lafteeda qaabka ay u lebisan tahay yaab ayaa ku dilaya iyo cajiib waxa,ay xidhan tahay isku joog doogo ah ama dharka sedka loo yaqaano xinaha saaran gacmeedu iyo lugeheeda saraan eegi kari maysid qurux awgeed markeeda hore waxaa alle u dhaliyey qurux dumar inta ugu qaalisan weliba dadku quruxda iskuma raacsana ee waa sida aan anigu quruxda u aqaan da,deedu qiyaas ahaan waa 17 jir, midabkeedu waa casaan cadaan xiga waa gabadheer oo sandheer oo ilko cas waxay leedahay hilib isu dheeli tiran salaantii yo cabaar eegmo isku xadkii indhaha waxaanu iska bilaabanay sheekadayadii aanu u kulanay laakiin taas waxaan in yar ka horeysiiyey kolley qof aad isku isku cusub tihiin oo weliba dumar hadiyad inaad xoogaa hadiyad ah gacanta ku sido waa lagama maarmaan waxaan sidaa xoogaa alaab ah sida isku joog dhar dumar oo aad qurux badan dharka sadka loo yaqaan ah oo midabkiisu buluug yahay cadaro kiriimyo saacad xalwad iyo sabiib waxaan bacdii alaabtu ku jirtay u riixay xageedii layla aniga dabcan waxaa la ii keenay sidii dhaqanka somalidu ahaa shay aad u qaaliya oo oo muqmad iyo shaah bigays ah waxaan u bilaabay sheekadii jacaylkayga.

Waxaan ku idhi horta maanta hadii aynu kulanay waa alle mahadii walaal macaan horta sidaan hore kuugu sheegay magacaygu waa farxaan waxaan nin noocaas adiga ku jecel runtii dhib faro badan kala kulmay jacaylkaaga haba ugu darnaato sidii aynu kulmi lahayne taas oo xitaa ay jirtay inaan warqado kuugu soo dhiibay gabadha hebla laakiin nasiib daro aan filayo inaanay waraaqahaasi ku soo gaadhin waana aan ka xumahay arinkaas gabadhaasi igu samaysay laakiin waxba kama qabo oo dhib maleh hadii aynu maanta labdeenu wado joogno waxaan walaal macaan doonayaa inaad jacaylka aan kuu soo bandhigay ila qaybsato oo fikirkaagana ka dhiibato anigu waan ku jecelahay 100% waxaan doonayaa inaad ila beerto beer raaxo badan oo hadii laba shiqsi oo is aaminay ay wada beeraan noqonaysa meel lagu negaado naftuna keli kaga baxdo islamarkaana xambaarsan nimcooyin faro badan oo alle ku deeqo sida ubad deganaansho niyad samaan raaxo bilaa fikir ah oo aad noqonayso qof isu dhan ilaa qofku hadaanu laamane lahayn isuma dhama anigu arinka aan kuula socdaa waa arinkaas adigu layla xabiibi macaan gacaliso maxaad ka odhan lahayd jacalkaas adiga oo aan iga qajilin waayo waxaan aan kaaga waramayo waa mustaqbalka dhabta ah oo wax ku sugayaa inaad ama maanta ka hadasha ama maalin kale ka hadasho markaa soomalidu waxay ku maah maahdaa waxaanad hurayn hore ayaa loo yeelaa markaa inta aad iska dayso xooga is ururina warka daboolka ka qaad markaan intaas idhi runtii way soo dhiiratay layla waxayna tidhi sidan

horta adigu aad ayaad u mahadsantahay jacaylkaaga waan kaa gudoomay wanaan kula qaatay kolley kulankan kii ka horeeyey ee galabtii anynu balanka dhiganay aniga wuxuu igu reebay saamayn jacayl cusub aniga laftaydu waan sugi kari laa kulan keena jacayl ku waa wax cajiib waana sida saxan saxada roobka wana wax marku asiiba runtiina markii hore intii aad hadalka ii waday waan yare qajilay oo markii hore waxaan islahaa maxaad ugu jawaabtaa laakiin adiga ayaa igu noqday qof qatar ah oo i dhiiri geliyey inaan waxaas oo hadal kuu sheego markaa jacaylka keenu galabta waa maalintii curashadii jacaylkeena farxaan iyo layla waxaana jacaylkeena lagu caleemo saaray guriga saaxiibaday caasha waxayna ii tahay galab farxadeed noloshayda xasuus ku reebaysa mana ilaawi doono runtii qoladaya dumarku ma dhiirano anaga oo qof jecel hadana uma sheegan karo waana arin rabaaniya sida aan maqlay oo ah xishood dumarka u gaar markaa walaal qaaliyoow aniguna waan ku jeclahay 100% markaa marka aad inaan kulano aad rabto ila soo hadal si,aan meel aan ku kulano inoogu balamiyo mobile numabar kayguna waa sidaa....... line guriga yaguna waa sidaa ........ markaa waa inoo sidaas iyo kulan danbe markii ay sidaas tidhi ayaan hadalkii anigu ku soo noqday waxaan ku idhi sidan

horta waa goor gaaban salaadii maqrib na way dhawdahay markaa waan kaaga mahadnaqayaa jacaylkaas aad iga gudoontay laakiin su,aal markasta ma adiga ayaa goobta kulanka samaynaya walaal aniga miyaanad mar ii ogoleyn waxaanay iigu jawaabtay layla qoslo kkkkkkkk mayee walaal macaane waad samayn kartaa adiguna oo markaaga kulanka waad qaban kartaa waxaan ugu jawaabay shukran xabiibi macaan waxaan la, hadlay saaxiibkaygii gaadhiga watay ee i siday si uu ii qaado ilaa suuqa oo aanu ku balan sanayn inaanu isu raacno intii gaadhigu ii soo socday
waxaan jacaylkayga layla ku maaweeliyanayey heeskan aniga oo heesaha aad ugu cod macaan oo hadba ka aan qaadayo aad moodo in fanaankii qaaday kuu qaadayo luuqa macaan

waa tan heestii waxaa qaada fu,aad cali xamari


ma ogtahay dhamayseey ilaa dhalashadaadii
adaan kaa dhursugayoo
aan ku dhawaranayaaye
waxaan inan dheglee wacan dhulka
kuga dhaayo iyo qurux ba leh
kaa dhawranaaye


markii aan heeskii halkaas marinayo ayaa gaadhigii isoo gaadhay oo hoonka ii garaacay saaxiibkay
markaas waan kacay waxaan ku idhi layla macaan xabiibi nabad gelyo iyo waa inoo kulan danbe markaa aan intaas ku idhi ayey igu tidhi intay gacanta xaygaga u soo taagatay nabadgelyo markii gacantayey ii soo taagtay aniguna waan gacan qaaday markii aan gacan qaaday waan ka dhunkaday gacanta iyadyuna waxay iga dhunkatay gacanta taas xasuus gaar ayey ii lahayd markii intaasi dhacay waxaan ku idhi xabiibi ilaa iska bixi maayo e u yeedh caasha aan sii maca salaameeyee waxay tidhi haye macaane waanay u yeedhay waxaan ku idhi caasha walaal dee barasho wanaagsan waan sii baxayaaye waa xili danbe waa inoo kulan danbe waxay tidhi walaal waayahay nabad gelyo sidaas ayaan kadin guriga kaga soo baxay oo gaadhigii ku raacay saaxiibkay

LA SOCO QAYBA DANBE OO XIISO LEH

FARXAAN JAAMAC XASSAN
HELISINKE
FINLAND

ms.naliaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7488
Joined: Mon Jan 12, 2009 8:18 pm

Re: Dont let Xalimos waste your time - a true story -

Postby ms.naliaa » Thu Nov 12, 2009 3:07 pm

Whose gonna read all of that?

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:08 pm

^^^^ Somali Readers.

ms.naliaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7488
Joined: Mon Jan 12, 2009 8:18 pm

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby ms.naliaa » Thu Nov 12, 2009 3:09 pm

^^^^ Somali Readers.

lol doesnt seem like anyone is interested bro

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:12 pm

ms.nalia its ok to feel hurt by this thread, any Goldigger would :mrgreen: .

User avatar
Air_Canada
Posts: 217
Joined: Sat Oct 31, 2009 6:15 am

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Air_Canada » Thu Nov 12, 2009 3:15 pm

Waar waxba soo iibsan maayo intaan soo iibsan lahaa maan naag jacaylka taqaan oo dunida koobaad ah guursado.

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:17 pm

Air-Canada war Naag jacayl dacada wii yar yihin ee they are mostly after cash don't fall for the trap.

surrender
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11194
Joined: Tue Jan 29, 2008 6:42 am
Location: "raganimo ninkaagii nacasnimo maxaa baday"

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby surrender » Thu Nov 12, 2009 3:24 pm

summarize please? :|

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:31 pm

Surrender - in brief this story is about a man who was very much inlove with a xalimo , and at the end they were about to marry until she demanded too much for her wedding, family , meher , even though the guy quite had a money , but she demanded the impossible and this turned out that she was actually after cash and it wasn't real love and he was completely heart broken to find out the person he was inlove what was after money and not love - that is what qebytaa Kowaad is about.

the rest qeybtaa labaad iyo qeybtaa sadeexad talks about how the girl ended up and how she married a old man oo foolxuun with money and later was divorced , ended up as a single mother with 1 child.


the story behind this is don't waste your time with xalimos , when you can buy 1 whenever you are ready "backhome".
Last edited by Abdi-Samatar on Thu Nov 12, 2009 3:32 pm, edited 1 time in total.

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby gemini07 » Thu Nov 12, 2009 3:31 pm

summarize please? :|

" A Gold digger broke my heart " -part 1.

Mizzy_Flame
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3702
Joined: Tue May 23, 2006 12:50 pm
Location: i can make yo BEDROCK..

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Mizzy_Flame » Thu Nov 12, 2009 3:34 pm

porque :|

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Daanyeer » Thu Nov 12, 2009 3:34 pm

Gabdhaha Soomaaliyeed ha la daayo :rose: :rose: :rose:

User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 3:36 pm

^^^ :lol:

surrender
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11194
Joined: Tue Jan 29, 2008 6:42 am
Location: "raganimo ninkaagii nacasnimo maxaa baday"

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby surrender » Thu Nov 12, 2009 3:39 pm

Surrender - in brief this story is about a man who was very much inlove with a xalimo , and at the end they were about to marry until she demanded too much for her wedding, family , meher , even though the guy quite had a money , but she demanded the impossible and this turned out that she was actually after cash and it wasn't real love and he was completely heart broken to find out the person he was inlove what was after money and not love - that is what qebytaa Kowaad is about.

the rest qeybtaa labaad iyo qeybtaa sadeexad talks about how the girl ended up and how she married a old man oo foolxuun with money and later was divorced , ended up as a single mother with 1 child.


the story behind this is don't waste your time with xalimos , when you can buy 1 whenever you are ready "backhome".

you mean gold digging xalimos? not all xalimos are like that may i add! :|

summarize please? :|

" A Gold digger broke my heart " -part 1.

:up: A sentence tells thousands words.

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Don't let Xalimos waste your time - a true story -

Postby gemini07 » Thu Nov 12, 2009 3:41 pm

Surrender

He wants to spend his time with " Faraxs" .You do know it's Duceeysane ,right .. :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 49 guests