Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

A Sad Story - losing all her 6 children - Baroor Hooyo Soma

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Abdi-Samatar
Posts: 163
Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
Location: Soul Chamber.

A Sad Story - losing all her 6 children - Baroor Hooyo Soma

Postby Abdi-Samatar » Thu Nov 12, 2009 6:04 pm

GUULLOOW KUWII GABLANKAAN I BADEY ISIRKOODA GOO(baroor Hooyo Somaaliyeed)

Xaawo Cabdi Careys, waa Haweeney Waayeel ah oo 65jir ah. Waxay ku dhalatey, ku barbaartey ilaa iyo imminkana ku nooshay xaafadda KPP ee Magaalada Muqdisho. Waxay dhashay lix carruur ah - 4 Wiil iyo labo Gabdhood.

4ta Wiil mid ka mid ah wuxuu u shaqeyn jirey Shirkadda Hormuud ee Muqdisho, mid kalana wuxuu waardiye ka ahaa Shirkadda Telecom Soomaaliya ee isla magaalada Muqdihso. Labada Wiil ee kale, waxay ahaayeen Baagamuuddo (Shaqo la’aan).

Labada Gabdhood, waxay ka isu baddeli jireen Bacadle ay Habartu ku lahayd Suuqa Weyn ee Bakaaraha, oo midu gelinka hore joogi jirtey tan kalana gelinka dambe. Maddaama Xaawo ay ahayd Qof weyn, iyadu guriga iyo nawaaxiga xaafadda KPP ma dhaafi jirin.

Xaawo iyo lixdeeda Ilmoodba halkaas ayey weligood ku noolaayeen, noloshooduna aad ayey u wanaagsanayd, waxayna soo mareen dhibaatooyinkii Dagaallada Sokeeye oo dhan, Ilaahayna waxba kuma yeelin.

Markii ay soo baxeen Isbahaysigii la baxay Maxkamadaha Islaamiga, bartamihii sannadkii 2006dii ayaa mid ka mid ah labadeeda Wiil ee Baagamuudada ahaa ku dhintey xabbad Wiifto ahayd oo ka soo dhacdey dhanka xaafadda SHIIRKOLE, oo xilligaas ay deganaayeen Qayb ka mid ahayd Isbahaysigii Maxkamadaha.

3bil ka dib, markii ay Isbahaysigaas la wareegeen Magaalada Muqdisho ayaa Wiilkeedii kale ee isna Baagamuudada ahaa niman Af-duuban ku dileen isaga oo dhex maraya Suuqa Bakaaraha. Lama oga ilaa iyo imminka cidda dishey iyo sababta loo diley toona.

Markii la Jabiyey Maxkamadihii, oo la wiiqey awoodoodii ayaa Isbahaysigii Maxkamadihii u kala jabeen Ururo kala Maan iyo aragti ah. Dabayaaqadii 2007da ayaa Labadii Wiil ee Xaawo u soo hartey kala duufsadeen Ururka Khawaarijta Al-shabaab iyo Ururka Khawaarijta Xizbul Islaam. Ururka Al-shabaab waxay duufsadeen Wiilkii u shaqeyn jirey Shirkadda Hormuud, kii kale ee Waardiyeha ka ahaa Shirkadda Telecom Soomaaliyana waxaa Duufsadey Ururka Khawaarijta Xizbul Islaam.

Nasiib-darro, labdii Wiilba waxay ku dhinteen hawl-gallo ay labada Urur siyaabo kala duwan uga wadeen gudaha Soomaliya. Mid ka mid ah wuxuu ku dhintey hawl-gallo ay Al-shabaab ka sameynaysay Magaalada Muqdisho halka kan kalana uu ku dhintey hawl-gallo ay Xizbul Islaam ka samaynayeen Ceelasha Biyaha.

Halkaas ayey Xaawo Cabdi Careys ku waydey 4teedii Wiil ee ay ku soo tira iyo tacab beeshey. Dhibaatada soo gaartey Xaawo intaas kuma aysan ekeyn, waxay Musiibadii ugu darneyd soo gaartey 22kii Bishaan Actoobar ee aan hadda ku guda jirno ka dib markii duqeyn arxan darro ah lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo ay ku geeriyoodeen labadeedii Gabdhood oo isla joogey Bacadlihii ay ka wada shaqaysan jireen. Labada Gabdhood ayaa maydkoodii la garan waayey ka dib markii Madfacii ku habsadey cad-cad u googooyey!!

Xaawo ayaa markii ay maqashay madaafiicda lagu garaacey Bakaaro isla markiiba u carartey dhankaas iyo Bakaaraha, halkaas oo markii ay gaartey ka war heshey in labadii Gabdhood ee carruurteedii ka soo hartey halkaas ay ku dhinteen ka dib markii madaafiicdii lagu garaacey Bakaaraha ay ku habsadeen!

Xaawo ayaa iyada oo ooyeysa, oo baroor-diiiqeysa ku soo laabatey Xaafadeedii iyo gurigeedii ay ku lahayd Xaafadda KPP, halkaas oo markii ay timid la kulantay Madfac wayn oo Gurigii ku habsadey, oo baabi’iyey dhammaan gurigii oo dhan! Xaawo isla markiiba waa Miyir ****olantey, waxayna ku dhacey jid-cadde gurigeeda hortiisa ku yaalley!

4saac ka-dib ayey ka war-heshey iyada oo jiifta Isbitaalka Madiina, halkaas oo ay geeyeen dad Deris la ahaan, ka dib markii ay arkeen iyada oo xaafadda Jid-caddaheeda taal!

Xaawo Cabdi Careys, hadda waa GABLAN Waayeel ah, oo dhammaan warasadeedii saddex sano gudahoos ku le’deen iyagoo ay galaafteen dagaalladii ay horseedka ka ahaayeen Ururada Manaxa yaasha ah ee Magaca Diinta ku gabbada.

Xaawo Marka ay aragtey sida uu xeelkeedu maanta yahay ayey inta fariisatey Isbitaalka hortiisa, gacmahana kor u taagtey kuna cel-celisey; “ Guulloow kuwii Gablankaan I badey isirkooda goo”.

User avatar
Air_Canada
Posts: 217
Joined: Sat Oct 31, 2009 6:15 am

Re: A Sad Story - losing all her 6 children - Baroor Hooyo Soma

Postby Air_Canada » Thu Nov 12, 2009 6:11 pm

INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN- :cry: :cry: :cry:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 82 guests