Madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo kulan ku yeeshay dhisme ay lahayd dawladdii Soomaaliya ee hore oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shirkaasi ku kala kacay khilaaf iyo is afgaranwaa.
Ka dib kulankaasi Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuu kulankaasi guul darastay ka dib ayuu yidhi markii Madaxweyne Shariif uu diiday inuu saxeexo qodob xoojin u ahaa heshiis ay dhawaan kala saxeexdeen Ra´isal Wasaaraha Kooxda Jibouti Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Maamulka Puntland
Shiekh Dalxiis is getting tough with Puntland



