Hargeysa: Tahriibayaal la soo masaafuriyay oo ka waramay dhibtay muteen
“Waxaan ku tahriibayay Gurigayagii oo lay iibiyay, imikana waxaan noqonayaa anagoo bilaa Guri ah”
Mid ka mid ah dhalinyaro lagu jidh-dilay Sucuudiga
Hargeysa 14 Nov.2009 (Ogaal)- Qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida ee u tahriibay dalalka dibedda, ayaa waayo-aragnimo uu ka dhaxlay sibiq-dhaqaaqaas awgeed digniin iyo talo u jeediyay dhalinyarada guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa reer Somaliland.
Sanadihii la soo dhaafay waxa isa soo tarayay tahriibka ee Dhalinyarada Soomaalida ahi ugu dhaqaaqeen dalalka shisheeye ee ay ka mid yihiin Yurub, Maraykanka iyo Waddamada Carabta. Kuwaas oo raxan ka mid ah oo laga soo masaafuriyay dalka Sucuudigu ay shalay ku hakadeen Madaarka Hargeysa, mar ay u sii jeedeen Magaalada Muqdisho oo ay u socdeen. Waxaanay ka warbixiyeen dhibta ay la kulmeen.
Dhalinyaradan ayaa sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Ramaasnews, waxay sheegeen in socdaal adag iyo tahriib dhibaato badan ay ka muteen ay ku tageen dalka Sucuudiga. Hase ahaatee, ay Xabsiga u taaxaabeen, Xadhig muddo bilo ah ay ku jireen, ka dibna loo soo tarxiilay ama loo soo masaafuriyay dalka qalalaasuhu ka jiro ee ay u dhasheen ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Xasan Cumar waa mid ka mid ah dhalinyaradaa tahriibka gashay ee dib loo soo celiyay, waxaanay ka waramay dhibta uu mutay. Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in lacag aad u faro badan uu ku tahriibay. Hase ahaatee, uu soo laabtay isaga oo dhib iyo jidh-dil qaba, balse aan wax faa’iido ahi u kordhin.
Cabdifataax Siciid oo waqtiga uu tahriibay 14-jir ahaa, isla markaana Oogada Jidhkiisa ay ka muuqdeen nabarro culus oo uu sheegay in ay ku dhufteen ilaaladii xabsiga Sacuudiga ku yaala oo uu ku jiray muddo saddex bilood ah, ayaa dhallinyarada Somaliland uga digay inay tahriibaan, waxaanu ka warbixiyay dhibta ka qabsatay. “Waxaan uga digayaa dhallinyarada Somaliland iyo kuwii dalkaygaba in aanay nafahooda ku biimayn Tahriibka oo aanu guntiisii iyo cawaaqibkiisiiba aan anigu soo arkay. Waxaan ku tahriibay gurigii reerkayagu ku jiray oo la iibiyey, imikana waxaan ku noqonayaa reerkayagii oo bilaa guri ah.”
Maaha markii u horraysay ee Tahriibayaal soo arkay dhibta iyo cawaaqibka Tahriibku facooda damacsan socdaalkaas uga digaan khatarta ay wajahayaan.
Ogaal NewsPaper
Hargeysa
Somaliland