WASHINGTON(Oodweynenews)- Xukuumada mareykanka ayaa sheegtay in 49 malyuun oo mareykana ay cunta la,aani hayso taasoo u dhiganta in 7 qof ee mareykanaba aanuu mid kamida haysan cunto uu cuno ama uu la daala dhacayo siduu u heli lahaa cunto ku filan ilaa sanadkii hore 2008 taasoo ay sheegtay xukuumadu inay tahay cunta yaraantii ugu ba,neyd ee soo martay dalka mareykanka mudo 14 sanadood ah.
Sida uu sheegay wasiirka beeraha ee dalka mareykanka MR. TOM VILSACK waxa uu yidhi inkasta oo ay yaraatey barnaamijka COUPEN oo ah kaadh ama warqad ay dowladu bixiso oo qofku cunto kaga cuni karo meelaha wax laga cuno dhaqaalaha oo kor usoo kacay awgeed ayaa hadana kooxda la dagaalanka gaajada ee dalka mareykanka ay sheegayaan inay aad u siyaadeen dadka gaajeysan ee mareykanka ah sanadkii hore iyagoo markaa ahaa 36.2 malyuun qof oo ay haysatay cunto yaraan iyadoo sadex meeloodow meel ay haysatey dadkaa ama ay la,ildarnaayeen gaajo.
waxa kaloo uu VILSACK u sheegay saxaafada in laga yaabo in arimuhu intaa ka sii xumaan lahaayeen hadii aanan lahayn nidaam cunto oo aad u heer sareeya (FOOD PROGRAM) taasoo noqotay fursad aanu ku joojino gaajada.
14.6% oo mareykana oo u dhiganta 49.1 malyuum oo qof oo mareykana ayaan u heli karin cunto qof kasta oo reerka ka mida iyadoo sababtuna tahay cunto yaraan ka jirta dalka mareykanka ilaa 2008 kii taasoo ay ku siyaaday 3.5% marka loo eego sanadkii 2007 oo ahaa 11.1% dadka mareykanka ah ee cunta yaraantu hayso.
waxa uu intaa ku darey wasiirka beeraha ee dalka mareykanka MR:TOM VILSACK in 5.7% qoys oo mareykana oo u dhiganta 17.3 malyuun oo qof inay runtii haysato cunto yaraan aad u xun taasoo macnaheedu yahay in qaar kamida qoyska ay wax yar cunaan maalintii.
BARACK OBAMA madaxweynaha dalka mareykanka ayaa sheegay in war bixintan ay soo saartay wasaarada beeraha ay tahay mid aad u wer wer badan isla markaana uu dhexda u xidhanayo sidii uu u joojin lahaa gaajadaa kusii kordhaysa dadka mareykanka ah.waxa uu OBAMA yidhi isagoo hadalkiisa sii wata inay caruurteenu awood u helaan inay wax bartaan oo isla markaana ay gaadhaan hadafkooda ama waxa ay higsanayaan iyo inaynu awood u yeelano inaynu caalamka la tartano waxa ay ku xidhan tahay inaynu helo cunto caafimaad qabta oo dadkeena ku filan,
Barkhad Cabdillahi Maxamed
Oodweynenews.com





