Kismaayo Fighters have dignity
Posted: Sat Nov 21, 2009 3:21 pm
at least They are not fighting In a densely Populated areas. Duurka haysku dagaalaan hadii rabaan as long as magaalada ladhaafo.Dagaalkii ka socday duleedka Magaalada Kismaayo oo goor dhaweyd dib u bilowday
Sabti, November 21, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd dib u bilowday dagaalkii duleedka Magaalada Kismaayo ka socday ee u dhaxeeyay Xoogagga Maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka ee hoostaga Xarakada Al-Shabaab iyo Xoogag u daacad ah Axmed Shiikh Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.
Dagaalka oo bilowday Salaaddii Maqrib kaddib ayaa wuxuu ka socdaa Deegaan lagu magacaabo Biibi oo ku taalla galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo la soo sheegayo in uu dagaalkan yahay mid culus.
Afhayeenka Maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka Shiikh Xasan Yacquub Cali oo gudaha Magaalada Kismaayo saxafiyiin kula hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay kaddib markii ay weerar ku qaadeen meel ay isku uruursanayeen Xoogag u daacad ah sida uu u yiri Axmed Madoobe iyo ONLF, halkaasna ay kaga dileen dhowr nin, hubna ay kaga furteen.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shiikh Axmed Madoobe ama Ururka uu ka tirsan yahay ee Xisbul Islaam, inkastoo ay dhici karto in ay saacadaha soo socda ka hadlaan dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.
Dagaal labadan dhinac u dhaxeeya oo markiisii hore ka bilowday gacan-ku-heynta magaalada Kismaayo ayaa wuxuu dhowr jeer oo hore ka dhacay deegaanka uu hadda dagaalka ka socdo iyo kuwo kale oo u dhow.
Wixii ku soo kordha dagaalkan kala soco halkan haddii Alle idmo.