Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

A Message to Sheikh Dalxis

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

A Message to Sheikh Dalxis

Postby MrPrestige » Sun Nov 22, 2009 11:29 am

Image


Ibrahim Hassan Gagale

22/11/09

Shir jaraa`id oo uu madaxweynaha Somalia, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ku qabtay madaxtooyadiisa bishan Noofambar 20da, 2009, ayaa waxa uu ku sheegay in Taliskii Siyaad Barre aanu si gaar ah dhibaato ugu geysan ummadda Somaliland laakiinse uu Somalida oo dhan u wada gesytay dhibaato. Hadaalkaas Shariifku waxa uu muujinayaa inaanu wax aqoon ah u lahayn taariikhdii midnimada (1960-1990) iyo sababihii dhashay dagaalladii Sokeeye ee dhexmaray Somaliland iyo Somalia. Waxaa kale oo cad inaanu Shariifku aqoon dheer u lahayn siyaasadda oo uu si fudud u dhaho hadallo gef weyn ku ah ummad. Waxaa kale oo hadalka Shariifka ka muuqda inaanu kalaba garanayn waxa ay ku kala duwanyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Puntland ee ka tirsan Somalia waayo waxa uu uga hadlaa si isku mid ah.

Shiikh Shariifow maalintii Moxamed Siyaad Barre ka huleelay Muqdisho oo ahayd January 26, 1991, Xamar dad iyo daaraba way dhisnayd oo way badqabeen marka laga reebo dhibaatadii koobnayd ee uu geystay dagaalkii Talsikaas lagu riday ee ka socday Muqdisho mudadii 26ka maalmood ahayd (January 1st ilaa January 26) halka Hargeysa iyo Burcaba dunsanaayeen, dadkooduna qaxooti ku ahaa Itoobiya waagaas, dhibaatadaas oo uu geystay Taliskii Siyaad Barrre ee aad difaacayso maanta. Haddaad indhaha ku kala qaaday Muqdisho oo dunsan iyo dadkeedii oo Kiiniya u qaxay, uma geysan Siyaad Barre ee waxaa dhibaatadaas isu geystay dadka Somalia (Koonfurta) kadib markii uu dhacay Taliskii Siyaad Barre. Xamar laba jeer ayay burburtay kuwaas oo kala ahaa: Dagaalkii ka dhex-qarxay Abgaal iyo Habargidir ee bilowday Noofambar 11dii, 1991 iyo dagaalkii Itoobiya lagu soo hoggaamiyay Somalia ee socday sannadihii 2007 iyo 2008, kuwaasna Taliskii Siyaad Barre sabab uma ahayn ee waxaa sabab u ahaa oo isku dilay Muqdisho, Itoobiyana isku soo hoggaamiyay dadka Somalia (Koonfurta). Sidaas ayaa Taliskii Siyaad Barre uga mas`uul ahaa dhibaatada ka dhacday Somaliland ee aanu uga mas`uul ahayn dhibaatada ka dhacday welina ka dhacaysa Somalia taas oo ay ka mas`uulyihiin dadka Somaliyana (Koonfurta) laftoodu.

Shiikh Shariifow, adiga oo lagugu tuhmayo inaad Diinta Islaamka wax ka taqaan, ayaa waxaad muujisay inaad la caqli iyo garaadba tahay madaxdii Somalia (Koonfurta) oo intay dembiyo culus ka galeen ummadda Somaliland dafirijiray waayo waxaad ka xishoonweyday in aad dafirto dulmigii weynaa iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay ummadda Somaliland. Waxaa la yidhi, “Mulaca carruurtu ciyaar-ciyaar bay ku dishaa isna waa u qudh-gooyo.” Dafiraadda aad inkirtay xasuuqii, burburkii, qaxintii, kufsigii, dhacii iwm ee Somalia kula kacday ummadda Somaliland intii u dhaxay 1982-1990 waxay sii xoojinaysaa go`aankii ummadda Somaliland ku gaadhay inay xornimadeedii ay kala soo noqotay Somalia sannadkii 1991. Shariifow ummadda Somaliland kaama rabto inaad ka raalligeliso hadalladaas gefka iyo inkiraadda ah sababta oo ah waxaad u muujisay cadaawad aad ku dheel-dheelayso dhibaatooyinkii loo gesytay arrintaas oo kalena lagama aqbalo raalligelin. Waxaad ogaataa inaadan joogin maalin aad ka hadashid Somaliland adiga oo gurigaagu gubanayo, madaxtooyadana ku eg.

Waxaad kale oo Shariifow aad hadalkaaga ku xustay in aanay Somalidu kala maarmikarin adiga oo u cuskanaya in Somalidu tahay dad isku diin, af, dhaqan, iyo midab ah. Haddii arrintanu run ahaan lahayd, waxaa midoobilahaa ama fadaraal samaysan lahaa dalalka carabta asalka ah oo ka kooban 17 dal oo xor ah kalana madaxbanaan kuwaas oo kala ah: Algeria , Bahrain , Egypt , Iraq Jordan, Kuwait , Lebanon , Libya , Morocco , Oman , Qatar , Saudi Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates , Yemen iyo Sudan. Wadaagga diinta, afka, dhaqanka, iyo midabka maaha wax lagu qancikaro oo lagu wadaagikaro midow ama fadaraal ama sabab u noqonkara inuu sii jiro haddii lagu heshiinwaayo. Cadaaladda iyo xukun-qaybsi loo simanyahay (Justice and fair power-sharing) ayaa ah shuruudaha ugu muhiimsan ee midow ama fadaraal ku jirikaro, waana arrinta ay Somalia ku guuldarraysatay inay fahamto xilligii midowga (1960-1990). Maantana kuwii ka mas`uulka ahaa ama taageersanaa burburkii midowga ee sacabka u tumayay xasuuqii iyo burburkii ku dhacay ummadda Somaliland ayaa u qaylinaya midnimo aan uurka jirin.

Diinta Islaamku way ammaantaa waanay taageertaa midowga laakiin way ka soo horjeedaa midow u keena dhinac ka mid ah dhinacyada uu ka dhaxeeyo dulmi, burbur iyo halaag sida tacadiyadii ay Somalia kula kacday dadka iyo dalka Somaliland siiba sannadihii 1988, 1989, 1990. Figradda “Somaliweyn” waxay la mid tahay maanta figradaha “Carabweyn” oo aan la garanayn waqtiga ay hirgelidoonaan. Somalida qaar ayaa waxaa ka dhaadhacsan in Somaliland iyo Somalia oo qudha ay yihiin “Somaliweyn” iyaga oo meesha ka saaraya Jabuuti iyo dhulalka Somaliyeed ee la gumaysto taas oo ay uga jeedaan dano gaar ah. Figradda “Somaliweyn” waxay aad u soo shaac-baxday Dagaalkii Labaad ee dunida (1939-1945) ujeedaduna waxay ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed lana wada hooskeeno hal dawlad iyo calan oo ka dhalata Geeska Afrika ee ma ahayn in laba qudhi is-raacdo loona arko “Somaliweyn”. Somaliland mardambe ma noqonayso raq fudud oo 5ta Somaliyeed u soo wada hilib-doontaan sidii ay ahayd xilligii midowga.
Go`aanka madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh oo qudha ummadda Somaliland mana aha waxay ka noqonkaraan madax iyo xisbitoona. Ummadda Somaliland waxaan leeyahay waa kaas caqliga ka Somalia (Koonfurta) ugu sarreeya maanta ee muujinaya in caqligii Somalia (Koonfurta) ku boobtay dawladdii midnimada ee 1960 aanu wax isbedel ah samayn maanta oo la joogo 2009, caqliga sidaas ahna ma istaahilo midnimo dambe. Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ma sugayso Somalia, xoog laguma muquuninkaro, dib dambana looma dagikaro.

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
November 21, 2009.



http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=12408

User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby salafi_student » Sun Nov 22, 2009 1:25 pm

Oodweynenews is a waste of web space..





Bless

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby MrPrestige » Sun Nov 22, 2009 1:32 pm

Salafi student-

Image


beep beeeeeeeep . :lol: :lol:

User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby salafi_student » Sun Nov 22, 2009 1:48 pm

Are you against the Mujahideen of Kashmiir .....? are yo with the Hindus..ina adeer ?



Jaaw

User avatar
Shams al- Dawla
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 404
Joined: Wed Nov 18, 2009 9:51 am
Location: Arabsiyo/ Somaliland

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby Shams al- Dawla » Sun Nov 22, 2009 2:40 pm

Horta he's got very good points which are well articulated , however I DON'T AGREE with all of his points .
I don't care about his problem with sheikh shariif , laakin Ibrahim hassan Gagale Somaliland oo dhan u ma hadli karo .
Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ma sugayso Somalia, xoog laguma muquuninkaro, dib dambana looma dagikaro
Ummada Jamhuriyada Somaliland deserves a DEBATE on TV Hargeysa about this issue .
In loo yeedho dad ka socda Konfuurta oo lagu casumo Hargeysa , laga dhegaysto , si daacad ah loo ogolaado iney fikradooda dhibtaan , detana shacab-ka marka loo bisleeyo fikradahan qaarkood , la 'yidha codkiina dhibta {referendum}.

Aniga oo ah nin Isaaq ah haddan maanta idhah " xafiis baan raba inaan ka furto Hargeysa aan ugu talogalay inaan midnimada Somaliya ku fideeyo , miyaa la'ii ogol yahay ? :lol:
Qasab-ka marka nimanka wada waa ayo?


Second point : Somaliland hor-u-markeedu muxu ku fadhiya ?
EXCHANGE of IDEAS and basic freedom of speech .. oo marka equality keenta oo deetana NABADDU{ peace} ka qulqulayso.
"Isaaq baynu nahay , waynu ka wada sarayna dadkaa kale " waa huuha -da dib inoo celin doonta haddad mirqaan -ka ka bixi waydan

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby Dhaga Bacayl » Mon Nov 23, 2009 12:39 pm

The people who write these article are worst than these creatures, Sharif and them. I really don't give a shyt what this dude in Mogadishu thinks of me or Somaliland at large. Having to write a long f.ucking constructive articles like this one above makes him relevant which he IS NOT.

So please stop it. It isn’t worth posting it here or elsewhere. These things need to be ignored.

BTW, Somaliland people need to stop acting like victims. Shyt happens. Siyad Bare's regime is No more. And you're doing better than everyone else in what used to be called Somalia. So please, remember the events but don't use the victim card. Isn't valid anymore. We gained what we want and we should embrace just that and move on.

User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby galia » Mon Nov 23, 2009 12:56 pm

Smellylanders are bittchs and always been biitchs, horta some of the motherfcukers are awakening to the fact that their is no such thing as somaliland and that Sheikh shariff is their real president :lol:

Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby Xamari_76 » Mon Nov 23, 2009 1:06 pm

aren't you a refuge?

User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Re: A Message to Sheikh Dalxis

Postby Sir-Luggoyo » Mon Nov 23, 2009 2:23 pm

The people who write these article are worst than these creatures, Sharif and them. I really don't give a shyt what this dude in Mogadishu thinks of me or Somaliland at large. Having to write a long f.ucking constructive articles like this one above makes him relevant which he IS NOT.

So please stop it. It isn’t worth posting it here or elsewhere. These things need to be ignored.

BTW, Somaliland people need to stop acting like victims. Shyt happens. Siyad Bare's regime is No more. And you're doing better than everyone else in what used to be called Somalia. So please, remember the events but don't use the victim card. Isn't valid anymore. We gained what we want and we should embrace just that and move on.

Dhego

I beg to differ. Someone should tell this mad mullah the difference between what Siad did in Hargeisa and Burco and what he didn't do in Mogadishu. Maybe he is not even aware of it.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 77 guests