Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Raskamboni leaders fleeing to Kenya as Shabab enter Dhoobley

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Kanada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Thu May 28, 2009 6:15 pm

Raskamboni leaders fleeing to Kenya as Shabab enter Dhoobley

Postby Kanada » Thu Nov 26, 2009 2:59 am

What will Shabab do to sick Xasan Turki :shock:
Ibraahim Shugri oo Galay Kenya & Axmed Madoobe oo u kicitimay Diif

Image


Ilo xog ogaal ahi oo lagu kalsoonyahay ayaa u Sheegay Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirror in Ibraahim shukri oo ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Raaskanbooni uu galay Wadanka Kenya ka dib markii uu ka baxay Magaalada Dhoobleey oo uu Baryahanba ku sugnaa.

Ilahaasi waxay intaa ku darayaan in Ibraahim Shukri uu Rartay Reerkiisii isla markaana uu la socday Nin lagu magacaabo Macallin Maxamed, kuwaas oo la Sheegay inay ka gudbeen Difaacii ugu horeeyay ee Ciidamada Xuduuda Kenya.

Warar horu dhac ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu isna u kicitimay Dhinaca Deegaanka “Diif” isaga oo Wata Ciidamadii uu Taliyaha u ahaa Ciise Kaanbooni.

Ciidamada la socda Axmed Madoobe waxay warar hoose sheegayaan inay Gadoodsanyihiin.

Waxay kaloo ilahaasi sheegayaa in Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisiiba isla qaateen inaysan kala tagin balse ay Duurka galaan, soona qaadaan Dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Magaalada Dhoobleey ayaa ku jirta Xaalad kacsanaan, waxaana la sheegayaa in uu jooga Sheekh Xasan Turki, wuxuuna Sarkaal sarre oo ka tirsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin u sheegay Somalimirror inay wada Xidhiidheen Sheekha isla markaana uu ugu Baaqey inay yimaadaan Magaalada.

Dhinaca kale lama sheegi karo Mas’uuliyiintii kale ee Ururka Al-Xisbul Islaami ee ku sugnaa Dhoobleey meel ay ku suganyihiin, xiriiro aan isku dayno inaan la sameynana waa ay noo suuro galiweysay inaanu haleelno
http://www.somalimirror.com/2009/11/25/ ... imay-diif/

Kanada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Thu May 28, 2009 6:15 pm

Re: Raskamboni leaders fleeing to Kenya as Shabab enter Dhoobley

Postby Kanada » Thu Nov 26, 2009 3:02 am

Sheekh Xasan Turki iyo Axmed Madoobe oo ugu dambeyn tiigsaday Howdka Kudhaa

Wadaadii aabaha u ahaa Islaamiyiintii Soomaaliya ee haatan firqooyinka noqday ayaa marba markii ay laan la jabeysay haatan u muuqda kuwo ku uruuray deegaanadii ay asal ahaayeen ka soo askumeen, oo ay ku soo carbiyeen mudada dheer ka wadeen abaabulka iyo carbinta Maleeshiyaad.

Sheekh Xasan Turki oo la rumeysan yahay inuu aabe u ahaa Islaamiyiinta ayaa haatan sii tiigsanaya deegaanadii uu awal abaabulka ka soo bilaabay, halkaasoo uu ku soo tababaray boqolaal kun ee dhalinyarada Islaamiyiinta ee haatan la dhakoolan Akaha, waxaana isaga iyo Axmed Madoobe oo isku beel ah ay gaareen deegaanada Howdka ah ee la yiraahdo Kudhaa ee ku taal cirif koofureed ee Somaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonaan karo Xasan Turki iyo Axmed Madoobe ayaa xalay ka baxay Degmada Dhoobley oo aheyd halkii ugu dambeysay, kadib markii ay soo kulaaleen Xoogaga Al-Shabab oo ku noqday mas soo jeestayaal.

Ururka Xisbul Islaam oo aan hada caga badan ku taagneyn isla markaana ay uga soo dhamaaneyso Goboladii Koofur galbeed ayaa waxay horay si tar tartiib uga soo baxeen Degmooyinka Afmadow, Xagar iyo Kismaayo oo xooga looga soo saaray ilaa ugu dambeyntii deegaanada xuduuda Kenya u dhow oo ay xalay ka baxeen.

Labada Wadaad ayaa ku biyo shubtay deegaanada Howdka oo la sheego in aanay aheyn mid sahlan, isla markaana aan lagu kala adkaan, waa deegaano caan ku ah rogaal celinta iyo abaabulada, waqtigee doonta ha noqotee, waana sababta keentay in ay afka aadiyaan.

Degmada Dhoobley oo haatan haawaneysa ayaa waxaa saacadaha soo socda ku soo jeeda, dagaalyahano Jidbeysan oo u hamuun qaba in ay sanka la raacaan neecaawda ka imaaneysa dhanka Kenya ee sohdin wadaag la leh Dhoobley.

Al-Shabab ayaa ku haminaya in deegaanada Jubooyinka ay ka sifeeyaan dhinacyada aan ku fikirka aheyn, waxaana la sheegayaa in horumar weyn ay ka sameeyeen duulaankooda ahaa in ay qabsadaan guud ahaan Jubooyinka.

Dadka falan qeeya siyaasada ayaa ku tilmaamaya istiraatiijiyada cusub ee ay ciyaarayaan Shabaab mid u muuqata sidii ay u hiigsan lahaayaan damacooda ku wajahan Imaarad Islaami ah oo ay ka hirgeliyaan Gobolka Geeska Afrika, marka loo eego u sii siqidooda dhinaca Xuduuda Kenya.

Xisbul Islaam oo la sheego inuu yahay qunyar socod, marka la fiiriyana ajandahooda siyaasadeed waxaa lagu tilmaamaa kuwo iska xukun doon ah oo aanay isku afkaar aheyn Ururka majaraha adag ee xiriirka dhow la leh Al-Qaacida.
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=2024

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Raskamboni leaders fleeing to Kenya as Shabab enter Dhoobley

Postby zingii » Thu Nov 26, 2009 4:33 am

Qaan marexaan waa qaaxo kugu maqan.
Shalay ayagoo magac diimeed wato ayay
dagaal ku qaadeen maantana markooda ayaa
la bursanaya illaa xuduuda kenya.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 82 guests