Tacsida: Shiikh Maxamed Rashaad Macalim Isxaaq
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottaawa ee dalka Canada waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Shiikh Maxamed Rashaad Macalim Isxaaq oo 26ka Nofember ku geeriyooday magaalada Makka ee dalka Sacuudiga isaga oo gudanayey Xajkii sannadkan.
Shiikh Maxamed Rashaad oo ahaa Imaamka masjika Salaama ee magaalada Ottawa ayaa wuxuu qayb weyn ka qaatay dhismaha masaajidka Salaama oo hadda ah masaajidka ugu weyn ee magaalada Ottawa.
Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in jannadii ka waraabiyo annagana Samir iyo iimaan.