20-Tahriibe Oo Laga Mastaafuriyey Magaalo Madaxda Gobolka Sa
Posted: Sun Nov 29, 2009 8:17 pm
Hadhwanaagnews) Sunday, November 29, 2009
Ceerigaabo(HWN): Tahriibayaal gaadhaya 20-qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ethiopia ayaa maanta laga mastaafuriyey Gobolka Sanaag, ee Xarunta Gobolka Ceerigaabo.
Tahriibayaashan oo dhammaantood u dhashay waddanka Itoobiya, ayaa ahaa rag iyo haween dhallinyaro ah oo tiradoodu ka badan tahay 20-qof ayaa waxay gelinkii danbe ee maanta gaadheen magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,waxana tahriibayaalkan sidey Baabuur xammuul ah oo sida ay sheegeen tahriibayaashan ka soo qaaday magaalada Burco, heshiisna kula galay in uu tahriibayaalkan geyn doono magaalada Boosaaso ee maammul-Goboleeda puntland oo ay caadi tahay in laga dhoofiyo tahriibayaalka.
Taliyaha booliska Gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) ayaa isla galabnimadii tahriibayaalkaasi halkaas gaadheen wuxu amar ku bixiyey in la xidho baabuurka sidey tahriibayaalkan, iyadoo sidoo kalena boolisku tahriibayaalka ku wargeliyeen in berrito(maanta) dib loogu qaadi-doono halkii ay kazoo kicitimeen, waxana baabuurkii tahriibayaalka sidey iyo wadihiisiiba lagu xidhay saldhigga boliiska (Daallo) ee magaalada Ceerigaabo