War deg deg: Taliyeyaashii Booliska iyo Milateriga oo si rasmi xilka looga qaaday, Taliyeyaal cusub oo la magacaabay
Fadhi goor dhow Golaha Wasiirada Soomaaliya uga soo gaba gaboobay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxay si rasmi xilalka uga qaadeen Taliyeyaashii Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha Milateriga Yuusuf Xuseen Dhuumaal.
Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo shir gudoominayay kulanka ayaa warbixino ka dhageystay Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaasoo ka hadlay xaalada ammaan iyo soo jeedinta xil ka qaadista Taliyeyaashii hore.
Kulanka ayaa ugu dambeyn Golaha Wasiirada isku raaceen in loo magacaabo boosaskaas Taliyeyaasha laga qaaday xubno cusub oo horay qaarkood xilalkan uga hayay ciidamada.
Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa loo magacaabay Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan oo loo yaqaan Cali Madoobe oo horaantii 2007-dii xilka laga qaaday, isla markaana ahaa ninkii lagu badalay isla Cabdi Qeybdiid.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Milateriga ayaa loo magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Geelle Kaahiya oo badali doona Gen. Yuusuf Xuseen Dhuumaal, waxaana la sheegay in dhowaan xilal ay ku kala wareegi doonaan.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Ku simaha Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in Golaha Wasiirada isku raaceen in xilalkaas loo magacaabo Taliyeyaashaas, waxaana uu sheegay in soo jeedinta Golaha Wasiirada kadib uu ansixin doono Madaxweynaha Soomaaliya.
La soco wixii ku soo kordha
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com



