Ninkii lagu tilmaamey inuu is qarxiyey oo la sheegey in lagu soo casuumey xaflada Hotel Shaamow oo aanu isagu qaraxa geysan balse la garan waayey
Hadhwanaagnews) Thursday, December 10, 2009
Xasan Xaaji oo Denmark degan ahna aabaha nin lagu tuhunsan yahay inu isku qarxiyay Hotel Shaamow ayaa beeninay in wiilkiisu qaraxaasi geystay.
Ninka lagu tuhunsan yahay qaraxii Hotel Shaamow ayaa la sheegayaa inuu ka tagay dalka Denmark.
Xaaji Xasan, wuxuu sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabo C/raxmaan uu sawirkiisa ka arkay warbaahinta, kadibna uu la hadlay xaaska wiilkiisa oo Marka Sh.Hoose Degan, iyadoo u sheegtay in maalmo kahor qaraxii Shaamow uu tagay dhinacaa iyo magaalada Muqdisho.
Xaaji Xasan, wuxuu sheegay in wiilkiisu uu magaalada Muqdisho kula kulmay mid ka mid ah saaxiibadiis oo ahaa dhalinyaradii qalinjabinaysay, kaasoo ku casuumay inuu kala qeybgalo xafladda qalinjabintiisa. Aabaha wiilkani wuxuu sheegay in markii uu qaraxu ka dhacay Hotel Shaamow, wiilkiisa iyo ninkii ku casuumay xafladaasi ay labaduba dhinteen, balse wiilkaasi cid aqoonsata la waayay, taasoo keentay ayuu yiri in maydkiisu uu muddo laba maalmood ah yaalay meeshii qaraxa, kadibna ay qolyo maydkiisa soo qaateen oo sidaasi sawirkiisa internet-yadda lagu soo galiyay.
Aabahan, wuxuu si weyn u beeniyay in wiilkiisu qaraxa geystay, wuxuuna sheegay in lamasabidanayo oo uu hubo in wiilkiisu aanu ficilkaasi samayn karin.
Xasan Xaaji, wuxuu sheegay in wiilkiisa iyo xaaskiisuba ay Denmark ka tageen bishii June 2008. iyagoo Somalia u tagay sida uu sheegay inay diinta ku soo bartaan.
Aabaha wiilkani wuxuu cadeeyey in xiriir toos ah ay isaga wiilkiisu samayn jireen, isagoo ku boorin jiray inuu iska ilaaliyo kana feejignaado kooxaha dhalinyarada duufsanaya.
Sidoo kale C/rashiid Nuur Cartan oo sheegay inay saaxiibo ahaayeen ninka la sheegay inuu qaraxaasi geystay ayaa sheegay in dhalinyaranimadii ay waqti badan ay isaga iyo ninkaasi iskula soo qaateen dalka Denmark. C/rashiid, wuxuu sheegay in markii uu sawirkiisa ku arkay website-yada uu aad uga naxay, isagoo sheegay inaanu ka filanayn in falkaasi uu ku kaco




