Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29187
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby Voltage » Sun Dec 13, 2009 2:55 pm

First it was one of the TFG commanders of Hiiraan turning himself over Caabudwaaq leadership
Sargaal ka tirsanaa Maamulkii dowladda ee gobolka Hiiraan iyo ciidamo uu watay oo maanta ku biiray Ahlu Sunna Waljamaaca( DAAWO SAWIRO).
Posted: 12/12/2009 12:53:00 PM

Shabelle: CAABUDWAAQ

Sargaal ka tirsanaa ciidamadii Maamulkii dowladda ee gobolka Hiiraan iyo ciidamo uu watay ayaa maanta ku biiray Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ka taliya.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Salaad Xareed Hilowle oo ka tirsanaa saraakiishii hogaaminaysay Ciidamada dowladda KMG ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa uu shaaciyay in uu ku biiray culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kadib markii isaga iyo kolonyo gaadiid ah oo kuwa dagaalka ah ay Maalintii shalay gaareen Xarunta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Waxaa maanta Shir jaraa’id ku qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud saraakiil ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasoo shaaciyay in ay soo dhaweynayaan sargaalkan ku soo biiray iyo ciidamada uu horkacayo,waxaana ay sheegeen in markii hore uu ka tirsanaa jiray Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Gudoomiyaha culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh Max’ed Faarax ayaa saxaafadda la hadlay waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada iyo sargaalka maanta kaga soo biiray dhanka dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sargaalkii maanta ku soo biiray culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa isaguna waxaa uu saxaafadda u sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaado weeraro ka dhan xoogaga hadda gacanta ku haya gobolka Hiiraan.

Kusoo biirista Masuulkan uu ku soo biiray Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xili uu qilaaf u dhaxeeyo masuuliyiinta sar sare ee dowladda KMG iyo Culumaa’udiink Ahlu Sunna Waljamaaca.

Image
Image
Now they are planning their first international Ahlu Sunnah meeting in Caabudwaaq with a plan to declare central Somali state from Gaalkacyo to Beledweyne with Caabudwaaq as headquarters
Shir Balaaran Oo Meel Kasta Layskaga Imaan Doono Oo Ay Ahlusuna Ku Qaban Doono Deg: Caabudwaaq [ War Bixin Xasaasi Ah ].

Maalmaha fooda inagu soo haya ee ku beegan bishan bartankeeda ayaa la sheegey inay degmadda Caabudwaaq uu ka dhici doono shir weyn oo ay yeelan doonaan Ahlusuna Waljameeca,waxaana shirkaasi ka soo qayb gali doona masuuliyii ka tirsan ururkaasi.

Maalmihi la soo dhaafey waxaa degmadda Caabudwaaq laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ay amaanka ku sugayaan Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ee degaankaasi ka arrimiya,waxaana la sheegey inay dad aan u dhalan degmadda Caabudwaaq amar ku siyeen inay ka baxaan halkaasi.

Maamulka Ahlusuna ee Degmadda Caabudwaaq ayaa qaadey talaabooyin ay amaanka wax kaga qabanayaan,waxayn dadka aan ku dhalan degmadaasi inay kaga baxaan mudo 7 maalmood ah,waxaana dadkaas ka mid ah RRA-da.

[/b]Sidoo kale waxaa dadka tuugsada ee ka soom jeeda goboladda Bay iyo Bakool iyana lagu amray inay degaankaasi ka baxaan sida ugu dhaqsaha badan,waxaana loo qabtey waqti gaaraya 7 maalmood.

Waxaa magaalada soo buux dhaafiyey ciidamo badan oo ka kala yimi degaamada hoos yimaada gobolka Galgaduud,waxaana la arkeyaa iyagoo gaaf wareegaya wadooyinka magaaladaasi islamarkaasna hubsanaya dadka iyo gaadiidka magaalada dhex mushaaxaya.

Sidoo kale waxaa digniino loo jeediyey dad ka soo jeeda Degmadda Caabudwaaq kuwaasi oo looga baqey inay dhanka amaanka wax u dhimaan,waxaana loo sheegey in fiiro gaar ah loo leeyahay dhaqdhaqaaqooda.

Guud ahaan gaadiidka Degmadda Caabudwaaq ku sugan baa amar laguu siiyey inay fiiqaan Bacda Madow ee beersoolka ah,waxaana lagu wargaliyey cidii aan u dhego fududeydin digniintaas in talaabo laga qaadi doono.

Magaalada Caabudwaaq ayaa lagu soo dhexdaadiyey Ciidamo badan oo Dharcad ah kuwaasi oo dadka degaanku u yaqanaan [ Dhego balaq ] taasi oo loo yaqaano basaas. Waxaana si weyn loo adkeyey xaalada amaanka degmadaasi,waxaana la filayaa inay bishan gudaheeda soo garaan masuuliyiin badan oo ka tirsan Ahlusuna iyo Dawladda Kmg ah.

Ma ogtahay Akhristoow in shirkan ay leeyihiin Ahlusuna waljameeca ay ku baxayso qarash lagu sheegey inuu gaarayo 150,000 kun oo dollarka mareynka ah,waxaana lagu wadaa inuu shirkaasi socdo in mudo ah.

Ugu dambeyntii Masuulka ka tirsan maamulka Magaalada Caabudwaaq oo magaciisa qariyey oo ay warbaahinta Gedonet kula xiriirta khadka telefoonka isagoo ku sugan degmadda Caabudwaaq ayaa noo xaqiijiyey inuu shirkaasi yahay mid loogu tallo galay in looga hadlo xaalada amaan ee Gobolka Galgaduud.

Keynaan Xirsi Xaashi

South Hall,London

Gedonet.com@gmail.com
Dhanka kale waxaa jira Abaabulo ay wadaan Wadada Ahlusuna ee ku sugan Degmadda Caabudwaaq Abaabuladaas oo ay ugu diyaar garoobayaan shir ay ku qabanayaan degmadda Caabudwaaq kaasi oo ay ka soo qayb gali doonaan Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Kmg ah ee soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegey inay shirkaasi imaan doonaan dad badan oo ka imaanaya dibedaha,waxaana la shaaciyey in looga arrinsa doono meesha ay xilligan mareyso Xaalada wadanka soomaaliya.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya inuu shirkaasi qayb gali doono Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug,Sidoo kale wararka laga soo xiganayo Masuuliyiinta Maamul Degmadda Caabudwaaq ayaa sheegaya inay jiraan Masuuliyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Degmadda Caabudwaaq oo ku soo jeeda Degmadaasi balse xilligan ku sugan Magaalada Shilaabo ee Ismaamulka Soomali Galbeed.

Guud ahaan Degmadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maalmihi la soo dhaafey laga dareemayaa Ciriri badan oo xaga dadka ,gaadiid iyo dhaqalaha la isticmaalayo taasi oo laga dareemi karo in magaalada ay wax weyn iska bedeleen.

User avatar
Real_1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 658
Joined: Tue Oct 12, 2004 3:48 pm
Location: grb airport gedo

Re: Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby Real_1 » Sun Dec 13, 2009 3:28 pm

it seems like it doesn't it abudwaaq is the biggest city in galguduud it would seem logical their capital would be there wallahi these sufis are the only administration people in somalia have faith in the way i see it

xamd
Posts: 83
Joined: Thu Jan 29, 2009 3:10 am

Re: Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby xamd » Mon Dec 14, 2009 10:43 pm

We are hoping for the mercy of Allah! Allah ha noo gargaaro!

User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Mon Dec 14, 2009 10:48 pm

hold on the TFG and aswj are now enemies? :lol: :lol: i dont get it

User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5120
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Re: Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby IRONm@N » Mon Dec 14, 2009 11:00 pm

Now they turning into a political party too, walahi this is halirious.

Somali politics is the like a virus, when virus invades the body it keeps multiplying and separating into little different organism, until it reaches billions and takes over the body.
First it was islamic courts, and then it split into Alshabaab and Hisbul Islam and then multiplied by Ahlu-sunnah?

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Is Caabudwaaq the capital of Ahlu Sunnah central Somalia?

Postby Somalian_Boqor » Tue Dec 15, 2009 3:40 am

Now they turning into a political party too, walahi this is halirious.

Somali politics is the like a virus, when virus invades the body it keeps multiplying and separating into little different organism, until it reaches billions and takes over the body.
First it was islamic courts, and then it split into Alshabaab and Hisbul Islam and then multiplied by Ahlu-sunnah?
Money, Power and Respect is want everyone wants. :mrgreen:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 81 guests