Bari goes to Final against last years Champions Sool...
Posted: Sun Dec 20, 2009 2:05 pm
SPORT: Sool & Bari oo ku loolamaya cida qaadaysa Koobka Ciyaaraha gobalada Puntland.
20. december 2009
SPORT(AllPuntland)- Xulalka adag ee gobalada Bari iyo Sool ee Puntland ayaa ku loolamaya cida qaadi doonta Koobka Ciyaaraha gobalada Puntland oo hada yaala gudaha Garoonka ciyaaraha ee caasumada Puntland.
Gobalka Sool iyo Bari oo ka soo badiyey gobalo kala gedisan, kana reebay Ciyaaraha Puntland, suuragaliyayna in ay boorsooyinkoodii ugu laabtaan gobaladoodii, ayaa fooda is daraya gobalada gobal kala adag, mid ka mid ahna horay ayay uqaaday koobka Ciyaaraha Puntland oo Sool oo sannadkii hore ee 2008-dii ugalbisay gobalka Sool ee ay matalayaan.
Taageeraayasha Ciyaaryahanada Sool VS Bari ayaa isku diyaarinaya daawashada ciyaarta oo dhici doonta maalinta fooda nagu soo haysa, iyadoo dhinacyadu yihiin kuwa aad iskugu diyarinaya oo ay ka yimaadeen gobalada Puntland oo idil.
Garoonka Ciyaaraha ee Mira Awaare oo aad loo adkeeyey amaankiisa, ayaa lugu bilaabay in lugu xardho Hal kudhegyada sannadka ee ciyaraha gobalada Puntland, waxaana garoonka ka muuqda farshaxamo qurux badan oo ay diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.
Ciyaaryahanada Sool ayaa ku soo dur-duriyey xulka gobalka Mudug oo ay iskaga reebeen in ay usoo baxaan koobka Ciyaaraha gobalada Puntland, taasina waxa ay Sool ku tagtay dheesha ee ugu dambeysa ee ciyaarta, Sool waxa ay dheeshay kulamo badan, in laga badiyo iska daaye, xataa 0-0 ma aysan galin, taasina waxa ay muujinaysaa in ay Sool adag tahay.
Kabtanka Kooxaha Bari VS Sool ayaa usheegay APl-qeybteeda Ciyaaraha in ay ku jiraan diyaar garoow xoog leh, isla markaasna ay udiyaar garoobayaan in ay qaadaan koobta Ciyaaraha gobalada Puntland oo ay kula dagaalami doonaan xulka awooda sheegtay ee Sool.
Madaxda dawladda Puntland ugu sareysa ayaa imaan doona marka ay dhacayso ciyaarta kama dambeysta ah oo ah beri galab, waxaana aad loo adkeeyay garoonka ciyaaraha amaankiisa, iyadoo ay ka qeybgali doonaan Taageerayaal fara badan oo ka yimid guud ahaan gobalada Puntland.
Kumanaan Reer Puntland ah ayaad uxiisaynayay ciyaarahan, waxaana garab socday ciyaarahan ciyaaraha kale ee laga ciyaaro aduunka, iyadoo ay galabta dhici doonaan orodo ay sameyn doonaan kooxo kala tamaya gobalada Puntland.
F. C. Maxamed
AllPuntland