Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 5 qof oo qaraxyo ka geysan rabay degmada Doolow.
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 4 ruux oo ay sheegeen in ay qaraxyo u geysan rabeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.
Sheekh Xasan C/laahi oo sheegtay in uu yahay Afayahenka maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee koofurta Soomaaliya oo u waramayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in sedaxdii Maalin ee ugu dambeysay ay gacanta ku soo dhigeen afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay qaraxyo ka geysan rabeen degmada Doolow ee gobolkaasi Gedo.
Afhayeenka ayaa sheegay in afartaan nin ay dhibaato u geysan rabeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku sugan Doolow isagoona carabka ku dhiftay in maalmaha nagu soo aadan ay maxkamadeyn doonaan afartaasi nin ee ay gacanta ku dhigeen.
Waa markii ugu horeeysay ee Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ay sheegaan in ay gacanta ku soo dhigeen rag ay sheegeen in ay qaraxyo ka geysan rabeen deegaano hoostaga degmada Doolow oo ay kuwada suganyihiin saraakiil ka tirsan Sunna Waljamaaca iyo kuwa dowladda KMG.



