Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo cambaareeyey socdaal uu magaalada Laas-caanood ku tegay mas’uul Baarlamanka Kenya oo booqanayey Somaliland
Source: dayniile
Wasiir ka tirsan Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu si kulul eedeyn ugu jeediyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macallin oo socdaal ay ku weheliyaan xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay ku tageen magaalada ay isku haystaan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ee ah Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay mar sii horraysay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland.
Faarax Ciise Gaashaan Wasiiru dawlaha Maamul Wanaagga Maamul goboleedka Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay cambaaraynayaan socdaalka uu guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya ku tagay magaalada Sool, wuxuuna ku eedeeyay Faarax Macallin inuu faragelin toos ah ku sameeyay maamul goboleedka Puntland isla markaana uu hurinayo colaadda ka taagan halkaasi ee u dhexeysa labada maamul.
Wasiiru Dawlaha maamul wanaagga Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Faarax Macalin isagoo ogsoon in magaalada Laascaanood ay ku soo xadgudbeen ciidamada Somaliland ayuu booqasho ku tagay, waxayna taasi meel ka dhac ku tahay Maamulka Puntland, wuxuuna uga digay gudodomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya inuu faraha kala baxo waxyaabaha uu ku gudo jira iyo colaadda uu hurinayo.
wasiiru dawlaha Maamul wanaagga Puntland ayaa waxaa hadalkiisu uu imaanay xilli dhowaan guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macallin iyo xubno ka socda maamul goboleedka Puntland ay socdaal ku tageen magaalada Lascaanood ee xarunta gobolka Sool, hoteel ku yaalla halkaasi oo lagu magacaabo Xamdina ay kulamo kula yeesheen waxgaradka iyo masuuliyiinta magaaladaasi.
--------------------------------------------------------------------------------
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com



