Dhalinyaro badan oo sharci leh ayaa jooga Yurub, maxay gabadha u guursan waayeen to save her life
Gabar Soomali Magangalyo Doon Ahayd Oo Isku Dishay Wadanka Norway Ka Dib Markii Laga Heley Farro Lagaga Soo Qaadey.......
Wararka ay warbaahinta Gedonet ka heleyso Caasimadda Dalka Norway ayaa sheegaya inay Dalka Norway isku dal-dalshey gabar soomaaliyeed oo sida la xaqiijiyey Magangalyo doon ahayd,waxaana la xaqiijiyey inay gabartaasi is-dishey shalay duhurnimadii saacada norway.
Meesha Gabartaas soomaaliyeed isu dishay ayaa lagu magacaabaa Hazlemon oo ah kaam ay ku jiraan qaxooti kala duwani,waxaana la xaqiijiyey inay gabartaas soomaalida ahi ay ka soo gashay dalka Norway wadanka Talyaaniga.
Warbaahinta Gedonet oo xiirir la sameysey Soomaalida ku dhaqan Caasimada Norway ee Oslo ayaa u xaqiijiyey in gabartaas soomaliyeed dalka Norway ka soo gashay wadanka talyaaniga oo faro hore ka soo qaadey.
Arrintan ayaa ah mid fajaciso ku noqotey afrikaanka iyo carabta ku xeereysneyd Kaamkaasi,waxaana ay sheegeen inay arrintani tahay wax laga naxo,maadama qof qaxooti ahi is-daldalayo hadii uu sharci waayo.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Oslo oo ay qaraabo yihiin gabartaas ayaa sheegey in gabadhu ay aad u nebceyd in lagu celiyo wadanka Talyaaniga oo faro ka haye,waxaana ay inta badan dhihi jirtey gabartaas '' Anigu hadii talyaniga laygu celiyo Nolol imaa taalo,mana ku noqon doono ''.
Arrintan ayaa naxdin iyo wer-wer ku abuurtey soomaalida qaxootioga ah iyo waliba shaqalaha kaamkaas oo sheegey inay ka cabsi qaban in qaar kale oo ka tirsan qaxootigu farrona laga hayo inay isdel-delaan oo naftooda halis galiyaan amase is dilaan.
Soomaalida Norway ku dhaqan yaaa lagu wadaa inay hadda u tabaabusheystaan sidii ay u aasi lahayeen gabartaas soomaaliyeed ee is deldelshay nafteedana waydey.
Keynaan Xirsi Xashi
South hall,London
Gedonet.com@gmail.com




