Dhacdo ka dhacdey Muqdisho maqlay waxaana ka maqlay qofki eey ku dhacday qofku uu sheegay.
Xaafad Muqdisho ku taal aya wiil iyo aabahiis isbaaro ku heysteen saa markaas aya gaari soo maray meesheey joogeen saa gaarigi aye joogso ku yiraahdeen oo madax fursho aye ka codsadeen ninki dharawalka aha, markaas uun bu yiri "war lacag badan ma heysti isbaaro kalena waan soo marey ee iga qaleeya" see yiraahdeen "war keen ama waan ku dhileyna" gorgortan ka bacdi waxey isla wada gartan in 150,000 shilling in uu dhiibo, dharawalki aya moryanki lacagta farta ka saarey, moryaanki wuu tiriyey lacagti waxey noqotey 151,000 shilling markaas ayu yiri "hoo dad laagtiis waa iga xaran oo kumaan heshiin ee " intu 1,000 shilling dharawalka uu celiyey



