Man arrested after Somaliland minister gets knocked out
Posted: Thu Jan 07, 2010 4:14 pm
Nin reer Laascaanood Ah Oo Wasiir Ku Feedhay Hargeisa
News (Hargeisa) 7.1-10 Ciidanka Booliska ee hargeisa, ayaa xidhay nin la yidhaahdo Siciid Saalax Nuur oo ay wada dhasheen marxuum Fagadhe oo ahaa Nin reer laascaanood ah oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa ninkan laidhay ayaa feedh ku daam daamiyay wasiir katirsan somaliland...................
Inkastoo aanay Boolisku wax war ah ka soo saarin xadhiga ninkaas, haddana waxa sida la sheegay loo xidhay ka dib markii uu garaacay, dhulkana ugu tuuray Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Maxamed Xagar Dirir oo ay isku gobolkan sool ka soo jeedaan Marxuuka geeriyooday.
Wasiirka ay is faro-saareen marxuum Fagadhe walaalkii. ayaa arintan kahadlay oo yidhi
"Arrintu waxay dhacday markii ninka (Marxuum Fagadhe) la aasayay ee dadka badidoodu soo dareertay. Anigu ninka maan garanaynin, dabaadeedna isagoo nin yari daba socda buu ii yimi anigoo niman la taagan, wuxuuna igu yidhi; ‘adeer, sow hebel ma tihid, ka dibna nabarkii baa ii xigay.’ wasiirka lagaraacay ayaa intaa ku daray "Bakoorad buu Luqunta igaga dhuftay oo waan dhacay, waanan miyir-beelay. Cabaar markaan miyir la’aa ka dib baan miyirsaday.
Aaski marxuum Fagadhe.