War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Ururka Ahlu sunna waljamaaca ay la wareegeen gebi ahaanba xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne iyagoo awood ku muquuniyey ciidamadii Xisbul islaam ee ilaa saaka kula dagaalamayey daafaha iyo gudaha magaalada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkii uu soo afjarmay ka dib markii ciidamadii Xisbul islaam ee ku sugnaa dhanka galbeed ee magaalada ay isaga baxeen iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhanka ay ubaxeen.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaanan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogeyn balse waxaa lagu soo waramayaa in dagaalku ahaa mid culus oo saacado badan socday.
Dagaalada u dhaxeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaaliya ayaa aalaaba ku soo noq noqda magaalada Baladweyne iyadoo dhowr jeer oo hore lakala qabsaday magaalada.
Qabsashada magaalada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna waljamaaca ayaa ku soo aadaysa iyadoo la hadal hayo in DKMG ay u diyaar garoowdey dagaal ay damacsantahay inay la gasho kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.
Dadka siyaasada Somalida qaadaa dhiga ayaa qabsashada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna ku sheegay guul weyn oo u soo hoyatay kooxda Ahlu sunna iyo DKMG iyadoo dhanka kale cidhiidhi gelin karta istaraatijiyadii dagaal ee Kooxaha ka soo horjeeda DKMG.
Dhanaan.com





