Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki i ayaa si kulul u cambaarreeyay hanjabadii Al Shabaab ay u hanjabtay Yemen.
AFAWERK oo Shabaab ku sifeeyey koox salfudud oo aan micnaha halganka aqoon
Madaxweynaha Eritrea wuxuu hanjabaadaasi ku tilmaamay fool-xumo caalami ah oo aan horay loo arag. Afaworki isaga oo u warramaya Tilifishanka Al Jazeera ayaa waxaa uu sheegay inaanay haboonayn in Al Shabaab faragaliso arrimaha gudaha ee Yemen.
Isagoo la hadlayey Tv-Aljazeera ayuu ku micneeyey hanjabaadaa mid fool xun oo aan laga fiirsan sal fudeedna uu ku jiro.
"Yemen ma aadi kaaran waa la ogyahay xcadawga ayay badsanayaan mooyee horta halgankooda hgudahaa kala dhantaalane ha dhameystiraan " ayu yiri Afwerk.
Hadalka Isaias Afeworki ayaa daba jooga baaq ay dhawaan soo saareen Al Shabab oo ay kju taageereen kooxaha ka dagaalamaya dalka Yemen.
Sidoo kale hadalka Madaxweynaha Eritrea ayaa soo baxaya iyada oo dhawaan Qaramada Midoobay ay cunaqabtayn ku soo rogtay dalkaasi iyada oo lagu eedeeyay in uu taageero kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka DKMG ee Soomaaliya.
Waa marki ugu horraysay ee Madaxweyne Afeworki uu si cad u dhaleeceeyo Ururka Al Shabaab oo ay gacan saar leeyihiin kooxda ay Eritrea taageerto ee Xizbul Islaam.
This will create further escalation between shabaab and xisbulaweys




