24 01 2010
Ciidamada maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta toogtey labo Jaajuus oo Khawaarijta Al-shabaab ka tirsan iyagoo gacanta ku dhigay mid nool.
Saddexdaan Khawaarij ayaa waxaa soo direy Khawaarijta Al-shabaab iyagoo u soo direy in ay Hawl-gallo Jaajuuseed ka fuliyaan Magaalada Dhuusamareeb, waxayna isku dayeen in ay ka fuliyaan magaalada Qaraxyo, hase yeeshee waxaa isla marikiiba ka war helay sirdoonka Ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidmada Sirdoonka ayaa markii ay ka war heleen waxay bilaabeen in ay daba-gal ku sameeyaan, hase yeeshee markii la ogaadey ayey waxay bilaabeen in ay is-difaacaan, halkaas oo ciidamadu ay ku toogteen labo ka mid ah, halka mid kalana ay gacanta ku dhigeen isagoo nool.
Ciidamada Sirdoonka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa wareysiyo ninkaas la yeelanaya, iyagoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in ninkaasi uu fashilay siro badan oo ay Jaajuusiinta Khawaarijta Al-shabaab ka wadeen Goballada ay maamulaan Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
Wuxuu sidoo kale ninkaas sheegey khidadaha Khawaarijta Al-shabaab maagganayd, isagoo sidoo kale sheegey in ay geliyeen meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb Bambooyin, kaasoo uu soo fagay intii ay Miinooyin geliyeen.
Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jaamaca ee Magaaalada Dhuusamareeb ayaan weli wax wara ka soo bixin oo ku saabsan sida ay Jaajuuskaas ay qabteen ka yeeli doonaan.
Wixii warar ee ku soo kordha arrintaas kala soco wararka yaga dambe.



