Walaalayaal aadaabta diinteena Islaamka na barayso waxaa ka mid ah in uu qof walba oo Muslim ah qofka kale ee Muslimka ah ay walaalaha yihiin xaq uu ku leeyahay. Sidaas daraadeed miyaad taqaanaa qofka Muslimka ah ee walaalkaa ah xaqa uu kugu leeyahay?
Nabiga (salalahu calayhi wasallam) ayaa inoo sheegayee dhagayso: Wuxuu yiri Nabiga (salalahu calayhi wasallam) qofka Muslimka ah qofka kale ee Muslimka ah xaqa uu ku leeyahay waa lix: ( Xadiiskani waa Hassan)
1- Hadii aad la kulantid in aad salaantid
2- Hadii uu kuu yeero in aad yeeshid
3- Hadii uu waano kaa dalbo in aad waanisid
4- Hadii uu hindhiso uu ducaysto(Al-humdullillaahi) yiraahdo in aad u ducaysid oo aad tiraahdid (Yarxamakallaahu).
5- Hadii uu jirado in aad soo booqatid
6- Hadii uu dhinto in aad raacdid Janaasadiisa.



