Dadkaan Tahrribayaasha ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen kula qalibantey Bartamaha bada waxaana ku dhintay dadkaan tahriibayaasha ahaa oo isugu jiray Soomaali iyo dad kale oo ajnabi ah
Doonta ayaa sidoo kale waxaa saarnaa 12 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laba kamida Bada looga soo bixiyay meyd ahaan Balse kadib markii ay baxnaanin u sameeyeen Ciidamada Badda ee dalka Gariigu ay Soo naaxeen oo hada caafimaadkoodu wacanyahay.
Meydka gabadha iyo soomaalidii lasoctey ayaa waxaa policeka wadanka gariiga ku wareejiyeen Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed ee Gariiga Mudane Ilyas Ali Hassan kadib markii safar gurmad ah uu ku tagey jaziirada Samos oo ah halka meydka iyo dadkii kalaba laguhayay Waxaana uu Gudoomiyuhu Saxaafada u sheegay in ay aaska meydkaasi caqabado kala kulmeen maadaama meeshu ay aad uga fogtahay Xabaalaha Muslimiinta oo la yiraahdo Komatini mana jiraan ayuu yiri wax maraakiib ah oo halkaasi toos u taga



