sawirka wiilka waakanaa

qoraalka wiilkan ku saabsab ee waagacusub lagu qorey waa sidan
Cabdi Casiis Xogolaf oo ah Somali heysta dhalashadda dalka Holland,kuna nool dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu lacago badan u aruursho kooxda Al-Shabaab ee ku xiran Al Qaeda.
Cabdi Casiis Xogolof oo u dhashay beesha Sacad Habargidir wuxuu sanadkii 1988 tegay Dalka Germany,wuxuuna ku noolaa Magaaladda Bonn,halkaas oo ay deganeed gabadh la dhalatay oo ka shaqeeyn jirtay Safaaradda Somalida ee Germany.
Cabdi Casiis waxaa dhalay Nabadoon Xogolof oo magac iyo miisaan ku lahaa gobolka Mudug,waxaana lagu dilay duulaankii Docol,xilligaas oo ahayd markii uu Galkacyo iskaga soo tegay.1991 ayaa la sheegay in Cabdi Casiis Xogolof iska dhiibay dalka Holland ,wuxuuna galay Kaam lagu magacaabo Udanhout oo ku yaal gobolka Brabanta.
Kaamka Udanhout waxaa kula nooleed hooyadii oo dhimatay,allaha u naxariistee.
Sida laga soo xigtay kooxaha baaraya xaalada Cabdi Casiis,waxay sheegeen inuu Jaadka si xun u cuni jiray markii uu ku noolaa Holland,waxayna sidoo kale tilmaameen inuu Adress ku noqday guryo badan waloow markii ugu dambeysay uu gabadh ku guursaday Magaaladda Tilburg.
Cabdi Casiis oo ka mid noqday dadka nolosha ka dhacay ,wuxuu qiyaastii 1999 u dhoofay dalka Mareykanka halkaas oo markale uu magangalyo waydiistay,isagoo heysta dhalashada Dutch-ka.
Mudo ayuu ku noolaa Minnesoto,wuxuuna hada degan yahay San diego,isagoo inta badana socdaalo ku tago gudaha Koofurta Somalia.
Xeerarka dalalka reer galbeedka waa ka mamnuuc in qofka lahaado wax ka badan laba dhalasho.oo ah dalka uu sida saxdaa ugu dhashay iyo kan uu magangalyadda ka helay hasse yeeshee,Cabdi Casiis hada wuxuu isku heystaa dhalashooyinka Mareykanka iyo Dutchka.isagoo horena magangalyo ugu noolaa dalka Germany.
Qofka Somaliga waxaa loo ogol yahay hal dhalasho ,oo laga siiyo dalka uu ku nool yahay marka uu buuxiyo sharuudaha laakiin marka dhinac kale laga fiirsho kooxaha Sirdoonka waxay shaki badan ka qabaan baasaboorka Hollandeeska sababta uu Cabdi Casiis u isticmaalo,una cusbooneeysiistay.
Lama sheegin in Cabdi Casiis labada baasaboor ugu qoran yihiin hal magac iyo inuu isticmaalo magacyo kala duwan laakiin arrimaha lagu eedeeeyay ee la shaqeeynta argagixisada iyo qaadashada labada baasboor waxay tahay dimbi weyn oo marka la akhriyo xeerarka jinsiyada aan la sahlan Karin.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira Somali badan oo si dad ban ula shaqeeya argagixisada halista badan ee Al Shabaab,waxaana muuqato in xilliyo xasaasiya lagu jiro.




