Ciidamada Milateriga Dowladda KMG ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Jabuuti ayaa saaka isaga soo huleelay aagagii maalmo ka hor la geeyay, iyadoo Ciidamadaas saaka ay dib ugu laabteen Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya inuu jiro is faham la'aan u dhaxeeya Saraakiisha Dowladda oo ku aadan duulaanka ballaaran ee ay dooneyso in Dowladda KMG ku qaado Xoogaga Mucaaradka.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in sababaha ay uga soo baxeen aagagii la geeyay, kadib markii ay diideen in ay badaleen Boqolaal Maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo bilihii u dambeeyay halkaas difaac ku jiray.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Ciidamadan ay ka soo horjeesteen in ay dagaalka kala qeyb galaan maleeshiyaadka, iyagoo u arkay in ay fashiliyaan duulaankooda qorsheysan.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Caasimada ayaa ahaa kuwo Ciidamadan cusub dhoolatus ahaan u sameynayeen, iyagoo kubaareeyay aagaga ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka.
Qaar ka tirsan Saraakiisha horkaceysa Ciidamadan oo tagay aagaga dagaalka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka dhufeysyada laga saaro, ayna ka hor wareegeen, waxaana qorshaha uu ahaa in Ciidamadan cusub ay badalaan maleeshiyaadkaas si loo xareeyo, isla markaana tababar loogu diro.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadkaas ay ku xireen shuruud in ay baneeyaan aagaga, iyagoo dalbaday lacago, ay ku tilmaameen xaqooda iyo mudadii ay difaaca ku jireen,
Ciidamada cusub oo ah kuwa labisan dareysk tuuto isku mid ah ayaa ahaa kuwo ay u dhan yihiin qalabkooda, waxaana wax badan ka badalan yihiin hab dhaqanka maleeshiyaadka oo aan wadan wax dareys ah.
Lama oga sida Dowladda KMG wax uga qaban karto caqabadaha cusub ee soo food saaray, tiiyo maleeshiyaadkan ay ahaayeen kuwo inta badan jilbaha dhulka u dhigayay weeraradii ay soo qaadayeen Xoogaga Hubeysan bilihii la soo dhaafay.
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com



