Ciidamo Xoogan oo Alshabaab ah ayaa Caawa ka soo gudbay Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Muqdisho:-Ciidamo ka socday Alshabaab Gobolada Koonfurta ayaa Caawa ka soo gudbay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyagoo u soo dhaqaaqay dhanka Muqdisho.
Kooxda Alshabaab ayaa Caawa Ciidama badan soo galisay Magaalada Muqdisho iyadoo Caawa Deegaanka Ceelasha Biyaha ay ka soo gudbeen in ka badan 50-gawaarida dagaalka ah.
Ciidamada Shabaabka ah ee caawa soo galay ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan ka yimid dhanka Gedo iyo Jubooyinka oo si guud caawa muqdisho ugu soo gudbay.
Dadka dagan Ceelasha Biyaha illaa KM.13 ayaa waxaa la faray in ay guryahooda ku ekaadaan oo ay laamiga isaga wareegaan iyadoo Islaamiyiinta shabaab askartooda ay muqdisho u gudbeen.
Lama oga Ciidamada caawa magaalada soo galay waxa ay ka badali doonaan dagaalada muqdisho maadaama dhawaanahan Ciidamada Dowlada loo diyaariyay in ay dalka ka sifeeyaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam.



