Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka tirsan DFKM oo ku biiray Alshabaab.
Warkii 12-Feb-2010 iyo Qormadii: NEWS
Xubin ka mida Baarlamaanka KMG oo lagu magacaabo Saalax Badbaado ayaa ku biiray ururka Alshaab,isagoo laga waayey xarunta baarlamaanka mar keliya,oo markii hore loo qaatay in la qafaashay,balse markii danbe la sheegay inuu ku biiray kooxaha ka soo horjeeda dwlada kumeelgaadhaka ah.Xildhibaankan oo ah kii ugu horeyey ee ku biira Alshabaab ayaa waxa beeniyey Cismaan Boqore,isagoo sheegay inaan ilaa iyo hada hadal laga hayn xildhibaanka,ayna aaminsan yihiin inuu xagooda weli yahay.
Saraakiil ka saran Al-shabab oo warbaahinta qaar soo xigteen, inkastoo magacyadooda ka gaabsadeen ayaa waxa ay sheegeen inuu Xildhibaan Saalax Badbaado u galey dhinacooda,uuna maanta wixii ka bilowda ka mid yahay mujaahidiinta Alshaab.
Saalax Badbaado oo lagu yaqaaney hadal adeyg iyo Mucaaradado xoogan oo ka dhana madaxda sare ee DKMG ayaa goosashadiisu dhabar jab weyn oo Siyaasadeed ku noqoneysaa DKMG iyo Baarlamaankii uu ka tirsanaa.
Afnugaal.com
Contact:xassand2000@yahoo.com



