Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

President Darman is back

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

President Darman is back

Postby AhlulbaytSoldier » Mon Feb 15, 2010 1:13 pm

Image
Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan oo muddooyinkaan socdaalo ku marayay dalal badan oo kamid ah qaarada Yurub ayaa dalka Germany oo maalmahaan uu ku sugnaa kula kulmay mas’uuliyiin qaabilsan ammaanka oo dalkaasi ku sugan.

Dr. Cabdinuur Darmaan ayaa heshiis la saxiixday ASGAARD – GERMAN SECURITY GROUP (GSG) oo ah Hay’ada qaabilsan dhinaca ammaanka oo si weyn Yurub ugu howl-gasha fadhigeeduna yahay dalka Germany.

Heshiiskaan ay kala saxiideen Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan GERMAN SECURITY GROUP (GSG) ayaa qodobada ku jiray kamid ahaa ka shaqeyn Nabadda Soomaaliya iyo sidii wada hadal lagu dhameyn lahaa wax kasta oo dhibaato ah oo ay kala tabanayaan kooxaha isku haya Siyaasada dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa ugu waa weyn sidii loo ciribtiri lahaa howlaha burcad badeedka Soomaalida wadaan oo Laf dhuun gashay ku noqday Caalamka oo dhan, iyadoo GERMAN SECURITY GROUP (GSG) ay sheegeen inay rumeysan yihiin in Dr. Darmaan iyo Xisbigiisa Jamhuuriga Soomaaliyeed ay soo afjari karaan howlaha burcad badeedka wadaan hadii lagu gacan siiyo.

Heshiiskaasi oo loogu magac darey "CIRIBTIRKA BURCAD BADEEDKA SOOMAALIYA" ayaa waxaa saxiixey Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan iyo Madaxda amniga dalka Germany, waxaana dhawaan saacadaha soo socda qalinka ku duugaya Jasiiradda Cyprus, Japan iyo England, waxaana lagu wadaa in sidoo kale iyana ay saxiixaan waddamaha China, France iyo dalalka kale oo fara badan,

Nuxurka Heshiiska ayaa ah in guud ahaan la hakiyo howlaha burcad badeedka Soomaalida wadaan oo iyagu khatar ku ah kumanaanka Maraakiibta ah ee adeegsada marin biyoodka Gacanka Cadmeed iyo waliba Bad weynta Hindiya oo labada ee kullaala Xeebaha Soomaaliya iyo iyo sidoo kale Jasiiradda Seychelles.

GERMAN SECURITY GROUP (GSG) mas’uul u hadlay oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Frankfort ayaa sheegay in Midowga Yurub kala kaashan doonaan howlaha lagu baabinayo burcad badeedka Soomaalida isla markaana ay la shaqeyn doonaan Dr. Cabdinuur Darmaan si u afjaro dhibaatada burcad badeedka ku heyso Caalamka.

“Darmaan waa Siyaasi da’da yar, aqoon Siyaasadeedna u leh sidii u baabi’in lahaa howlaha burcad badeedka isagoo dhaqan celin u sameynaya shaqooyina u abuuraya” ayuu yiri mas’uulkaan u hadlay GERMAN SECURITY GROUP (GSG).

Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa doorasho si Cadaalad u dhacda gudaha magaalada Muqdisho sannadkii 2003-da loogu caleema saaray Madaxweynimaha dalka Soomaaliya, taasoi ay aqoonsadeen Mareykanka, Wadamada Carabka iyo dalal badan oo Caalamka ka tirsan.

Darmaan oo Saxaafada kula hadlayay isagana magaalada Frankfort ee dalka Germany ayaa yiri “Dowladeyda waxey awooda saareysaa baabi’inta howlaha burcad badeedka wadaan, xiriiro dhowr la sameeyay horjoogayaasha burcad badeedka aad ayayna u taageereen howsha aan wado, dhawaana waxaan tagayaa goobaha ay ku sugan yihiin burcad badeedka ee dalka Soomaaliya”.

Sidoo kale, qaar kamid ah horjoogayaasha burcad badeedka Soomaalida oo Saxaafada kula hadlay degmada Xarar-dheere ee gobalka Mudug ayaa aad u taageeray howlaha uu wado Dr. Cabdinuur Darmaan kaasoo doonayo inuu shaqadaasi halista ah ka joojiyo dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin kalena u abuuro.

Darmaan waxuu ugu baaqay dalalka Caalamka ee gacanta ku haysa Dhalinyarada burcad badeedka Soomaalida ah qaarkoodna ay Maxkamadeeyeen in dib loogu soo celiyo gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdiqaadir Axmed oo kamid ah horjoogayaasha burcad badeedka oo Xarar-dheere ku sugan xiligaan ayaa Saxaafada reer galbeedka u sheegay inay kusoo dhaweynayaan Xarar-dheere iyo Hobyo wafdiga uu hogaaminayo Dr. Darmaan ee dhawaan tagaya, waxuuna sheegay hadii shaqooyin fiican helaan lana maal-galiyo inay iska joojinayaan howlaha burcad badeedka ay ku jireen in muddo ah qataro badana kala kulmeen.

Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo isku daya inuu Shaqooyin u abuuro burcad badeedka Soomaalida si ay isaga daayaan howlaha qatarta ah ee muddo ay wateen, waxaana arintaan soo dhaweeyay AU, EU, Jaamacada Carabta, Mareykanka iyo dowlado badan oo sheegay inay taageero ku siinayaan howsha uu wado.

Dhibaato weyn ayaa arrimahaasi ka heysta waddamada Caalamka oo waxaa dhacda Burcadda Badeedii laga qabto Marin Biyoodka Gacanka Cadmeed in la siidaayo sababo la xiriira hannaanka sharcigii lagu lagula dhaqmi lahaa oo uu mugdi badani ku jiro,

Boqollaal Burcad Badeed ah ayaa lagu hayaa Xabsiyo ku yaalla Yurub, Afrika, America, iyo Asia waxaa jira Dalal badan oo heshiis hoose la galey dalka Kenya si loogu maxkamadeeyo kooxaha Burcad Badeedda waxaase muuqaneysa in heshiiskaasi uu ku jiro dal-dalool xagga sharciga ah iyadoo Maxkamadaha waddanka Kenyana ay u caal waayeen kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah laga soo qabto Badaha Caalamiga ah.

Abdifitahaam Ahmed
Editor www.xogta.com
Salute your president :mrgreen:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 54 guests