Jaaliyadda Ohio Oo Diiday Maxkamadda Cali Samatar+Sawiro
USA-(GMN) Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Siyaasiyiin rugcadaa ah, Gnacsato, Aqoonyahan, iyo qaar kamid ah horjoogayaasha Jaliyada Somaalida Ohio, ayaa lagu qabtay Hotelka weyn ee Embassy oo ku yaal magaalada Columbus.
Ujeedada xafladan ayaa ahayd muujinta sida ay ka soo qayb galayaashu uga xunyihiin maxkmada la sheegay in la soo taagayo Jen: Max’ed Ali Samatar oo ah ku xigeenkii madaxweynihii hore ee Somalia Maxed Siyaad Barre.
Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa Ambassador Faduumo Isaaq Biixi, Amabassador C/kariin Ali Omar, Gudoomiyihii gobolka Banaadir ee xiligii doowladii Kacaanka C/laahi Salaad, Gudoomiyaha jaaliyada Somalida Ohio Hassan Ali Omar Sheikh Ahmed Maxed Yusuf iyo xubno kale oo badan.
C/Kariim Ali Omar oo ah amabasadoorkii ugu danbeeyay ee dalka maraykanka u joogay dowladii Somalia ayaa xusay in tilaabadan ay tahay mid aan laga fiirsan loona bahanyahay in laga fiirsado dacwooyinka la furayo si aysan bulshada ukala dhex galin caqabado aan ka jirin qurbaha.
Asaga oo ka hadlayay Cali samatar waxa uu ku sifeeyay nin xil ka soo qabtay dowladii Kacaanka qalad walba oo doowladii laga tabanayana aan shaqsi si gooniya loogu qabsankarin, mana ahan shaqsi dadka si gooniya u ugaarsan jiray ayuu yiri, waxa uuna ugu baaqay waxgaradka iyo dadka Soomaaliyeed in ay iska diidaan talaabada aan ka fiirsashada lahayn, xili u ka hadlayay qofka dacwada u haysta oo ah dhalinyro reer Soomaaliland ah waxa uu yiri mahan waxa aad ku dacwoonaysaan wax cad oo sharciga waafaqsan mana filayo in ay tahay mid ka duwan dacwooyinkii horey idinka baaqday in ay ka duwanaandoonto.
Ambassador Fadumo Isak Bixi waxay si qoto dheer uga hadashay ahmiyada dawolad walba ay bulshada u leedahay, iyo in howlaha bulshada loo hayaa aysan ahayn eed la’aan lakin loo bahanyahay hadii aadan doowlad la dacwinayn in aad shaqsiga ad wax u qabsanayso aad u keento cadayn ayada oo tusaale u soo qadatay in danbiyada loo haysto Aali Samatar aysan ahayn kuwo uu gacantiisa ku gaystay.
Hassan Ali Omar iyo Duqii hore ee magaalada Muqdisho C/laahi Salaad ayaa labaduba dhankooda talaabadan ku tilmaamay in aysan ku qanacsanayn isla markaana ay u arkaan mid si ka fiirsasho la’aan ah loogu dhaqaaqay.
Dhamaan dadkii ka hadlay xafladan waxay ka sinayeen diidmada in maxkmad la keeno Maxed Ali Samatar oo xiligan ah nin waayeel ah isla markaana ay ku tilmaameen shaqsi si Soomaalinimaa u shaqeeynayay sida ay muujiyeen.
Cali Samatar waxa uu maxkmad ka balansanyahay March 3deeda waxana danbiyo ka dhan xaquuqada aadanaha sida ay sheegteen u haysta dhalinyaro ka soo jeeda Soomaaliland, mana jirto ilaa iminka wax maxkmad ah oo si toos ah u wajahay dhaliilahan oo in mudaa soo jiitamayay, waxana horay loo xiray kiisas caynkan oo kalaa oo horay loo furay.
In badan oo kamid ah Gobolada dalka Marykanka ayaa lagu qabtay shirar iyo kulamo isku soo bax ah oo looga soo horjeedo Maxkmada Samatar.
http://www.gedoonline.com/?p=21633




