Gaalkacyo:Israsaaseyn ay Dad ku dhinteen qaarkalena ku dhaawacmeen oo Gaalkacyo ka dhacday.
1. marts 2010
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Gaalkacyo(Allpuntland)-uguyaraan 4-Ruux ayaa ku dhimatay 2-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay israsaaseyni dhexmartay Malayshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda koonfurta &Waqooyiga Gaalkacyo oo ku murmay Dhul kuyaala Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.
Dadkan Dhintay &kuwo dhaawaca ah ayaa isugu jira Shacab ay Rasaastu xaafadahooda ugu tagtay &Dhinacyadii israsaaseyntu dhexmartay waxaana Dhaawacyadaas lageeyey isbitaalada Koonfurta &kuwa waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.
Midkamid ah Saraakiisha isbitaalka GMC ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa APL u xaqiijiyey in Isbitaalka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo lagu dabiibayo Qof rayid ah oo ay rasaastu xaafadiisa ugu tagtay,wuxuuna Sarkaalku intaas ku daray in uu Isbitaalkooda ku meyday Wiil yar oo Dhaawac Culus asagoo ah la geeyey Isbitaalka GMC oo ka howgala Waqooyiga Gaalkacyo.
Sidoo kale Goobaha Caafimaadka ee ka howlgala koonfurta Gaalkacyo ayaa lageeyey Dhaawacyo gaaraya 3-Ruux halka ay jiraan Dhimasho aanan weli la xaqiijin inta ay le'egtahay,waxaana ay dadkaasi u badan yihiin Dad usoo daawasho tagay dagaalka oo ay Xabad Wiifto ahi u tagtay.
Israsaaseynta oo Daqiiqado kooban Socotay ayaa hada istaagtay waxaana Dejinta Xaalada si wadajir ah uga qeybqaatay Maamulada Puntland &Galmudug oo si nabad ah ukala kaxeeyey Dhinacyadii ay rasaastu dhexmartay,sida uu APL u xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Dawlada Puntland guud ahaan Xaaladu Caadi ayey kusoo laabatay wuxuuna Gudoomiyuhu labada dhinacba ugu baaqay in laga shaqeeyo Xoojinta Aminga guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo oo hada kamid aha Magaalooyinka ugu waaweyn dalka Soomaaliya ayaa dhowrjeer waxaa ku dagaalamay Malayshiyaad kasoo jeeda Koonfurta &Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulada Puntland &Galmudug,waxanaa socda wada hadalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo Dagaala aan macnaha weyn keenayn ee dhexmara labada dhinac oo in mudo ah Gaalkacyo kuwada degenaa nabad &Xasilooni.
Cabdiqani Maxamed Cali (Xayir).
Allpuntland



