Page 1 of 1

Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 10:02 am
by CoolPoisons
Waxaa degmada Doolow Soomaaliya looga dhawaaqay guddi loogu magac daray Guddiga Dib u xoreynta Gobolada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lasheegay in ay u ka shaqeynayaan qaabkii looga xureyn lahaa deegaanno badan Ururka Alshabaab iyo Xisbul Islam.

Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasina kusugan Doolow ayaa waxa uu sheegay in guddigani ay kudhawaaqeen kadib markii ay isla arkeen dhibaatooyinka badan ee dadka kunool Gobolada Koonfur galbeed ay sii kordheyso.

Guddigani ka kooban 14-ka xubnood ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo xureyn lahaa Gobolada kala ah Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada dhexe, Gedo iyo Sh/hoose.

Guddigani ayaa u hawlgeli doona qorsheyaasha dib u xoreynta iyaga oo qorsheyn doona weeraro iyo hab kasta oo looga saari karo kooxda Alshabaab Goboladaasi guud ahaantiisa.

Guddigani ayaanan la ogeyn waxa ay kusoo kordhin doonaan iyadoo Gobolada ay sheegayaan in ay doonayaan in ay xureeyaan guud ahaantii ay heystaan Ururka Alshabaab iyo Xisbul Islam, hayeeshee waxaa looga fadhiyaa maalmahani waxa ay soo kordhin doonaan.

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 10:04 am
by hanqadh
Koonfur Galbeed :lol:

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 10:06 am
by CoolPoisons
Koonfur Galbeed :lol:
Oo maxaad u qosle ina adeerow

Konfur Galbed waa muuqata waana 5 gobols the biggest in Somalia

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 10:12 am
by hanqadh
Adi umbaan kaa maqla, lakiin realitigu wuxuu sheegayaa inayna wax sidan oo kala ah suurta galaynin waqtigan xaadhirka ee la joogo, ee ha isku daalin baan ku dhihi lahaa...

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 10:18 am
by CoolPoisons
Adi umbaan kaa maqla, lakiin realitigu wuxuu sheegayaa inayna wax sidan oo kala ah suurta galaynin waqtigan xaadhirka ee la joogo, ee ha isku daalin baan ku dhihi lahaa...
War heedhe, ileen barnaamijka maba la socotid

Warsaxafeedka waa kan

http://www.banadir24.com/readnews-2185.html

122 xildibaano oo ku tageeray
http://www.hiiraan.com/news/2009/Dec/wa ... 7-8425.htm

Sharif dameer oo tageeray
http://www.gedoonline.com/?p=17632

madaxweyne waxa laga dhigaya Jale Bare Hirale
ku xigeenkiisana Rahanweyn
gudoomiyaha barlaamanka Dir

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 3:09 pm
by Voltage
Tell that warlord to put a sock in it. :up:

Re: Gudi ka qeyb qaadanaya Xoreynta Gobolada Koofur Galbeed Soom

Posted: Wed Mar 03, 2010 3:15 pm
by The_Emperior5
At least coolpoisen is trying to liberate Al shaydaan from his gedo :up: