Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Delegation From China Visit Somaliland for Airport Project P

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
kaasje7
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 380
Joined: Wed May 20, 2009 11:58 am
Location: Seducer

Delegation From China Visit Somaliland for Airport Project P

Postby kaasje7 » Fri Mar 05, 2010 2:54 pm

Wafti Balaadhan oo ka socda dalka Shiinaha oo galabta dalka yimid daawo
Written by Qaran News
Mar 05, 2010 at 09:52 AM
Hargaysa,(Qaran News)- Waxa maanta galinkii danbe madaarka caalamiga ah ee Egal Intrenational Airport-ka soo degay wafti balaadhan oo ka socda dalka Shiinaha.

Image
Image
Waftigani oo ka koobnaa 14 toban xubnood, waxa ay ka koobanaayeen ganacsato waaweyn iyo qaar ka mid ah saxaafada ugu balaadhan ee ka hawl gasha dalkaasi Shiinaha qaarkood, waxa sidoo kale ka ku jiray xubnahani tiradaba dan xubin ka mid ah dawlada dalka Shiinaha, waxa sidoo kale waftigani socdaalkooda ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha mudane Axmed Xasan Cigaal


Image
Waxa waftigaasi iyana madaarka ku qaabilay wasiirka duulista iyo hawada mudane Cali Maxamed Warancadde oo uu ku weheliyo duqa caasimada Somaliland mudane Xuseen Maxamed Jiciir.


Wasiir Cali Warancadde oo qolka nasashada ee madaarka saxaafada kula hadlay ayaa soo dhaweeyay waftigani ka socda dalka Shiinaha, waxa aanu wasiirku sheegay in ay xukumad ahaan ka go'antahay soo dhawaynta cid alaale iyo cidii maalgashanaysa Somaliland isla markaasina ay, aad ugu faraxsanyihiin waftigani in ay dalka yimaadaan waxa aanu sheegay in ay wada gayn doonaan dalka oo dhan gaar ahaan meelaha ay xiisaynayaan oo u badan maalgashi, waxa aanu soo dhaweeyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Shiinaha iyo Somaliland oo maraaya heer wanaagsan
Image
Wakiilka Somaliland ee dalka Shiinaha mudane Axmed Xasan Cigaal oo isna hadal kooban ka soo jeediyay socdaalkooda ayaa aad iyo aad ugu mahad naqay xukumada Somaliland sida ay u soo dhawaysay waftiga, waxa aanu sheegay in ay waftigu yihiin kuwo dalka doonaaya in ay maal gashadaan iyo kuwo xaqiiqo raadis ah, isla markaasina ay waftiga xubin ka mid ahi uu ka socdo dalka shiinaha.
Image
Image
Dhanka kalena xubin ka mid ah waftiga oo la yidhaa Mr Qi, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinkiisa uu yimid Somaliland, waxana aanu u hambalyaynaynaa shicibka iyo xukumadaba waxa ay qabsadeen, waxa aananu u soconayaa maalgashi sidii dalka loogu samayn lahaa iyo sidii aanu u ogaan lahayn xaqiiqda dhabta ah ee Somaliland, waxa aananu ku rajo waynahay in wax waliba ay guul ku dhamaan doonaan..
Image
Sidoo kale waxa la filayaa dhawaan in ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinahu ay bilowda dib u dhiska madaarka weyn ee magaalada Hargaysa, taasi oo ay shirkadaasi qandaraas ku qaadatay hirgalintiisa, hadaba ma aha markii u horayasay ee wafti ka socda dalka Shiinahu uu dalka yimaado hase ahaatee kani waa kii ugu balaadhnaa ee dalka yimaada, waftigani ayaa ka hor intii ayna dalka iman waxa ay soo mareen dalal badan oo caalmka ah, socdaalkoodaasi ay hada ku yimaadeen Somaliland lama sheegin inta uu qaadan doono.


Somaliland is vanaf nu een supermacht braaap :sland: :up:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 62 guests