These two groups have now seriously created a huge rift between each other.
Horjooge sare oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay isgoyyska Sanca ee magaalada Muqdsiho,halka iska hor imaad kale oo dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku geeriyootay Haweeneey rayid ah.
Arinta la xariirta geerida ku timid horjoogaha ka tirsan Maleeshiyada Shababaab oo lagu magacaabi jiray Gaagaale ayaa timid kadib markii Maleeshiyada Shabaab ay ka dhaadhiciyeen labo maleeshiyo oo ka mid ah Xisbul Islaam oo horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Dinix oo ku sugnaa isgooska Aadan Cadde in ay ku biiraan Shabaab, waxaana Maleeshiyada Shabaab ay geeyeen ragaasi degmada kaaraan ,hayeeshee waxa ay maleeshiyadasi isku dayeen markale in ay ka dhaadhiciyaan maleeshiyo kale oo Xisbul islaam ka mid ah in ay iyaga raacaan, kadibna waxaa lagu balamay isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdsho.
Xaaladda ayaa xumaatay kadib markii ninka ka tirsanaa kooxda Xisbul Islaam ee ku balansanaa in uu ku biro kooxda Shabaab, uu tacshiirad ku furay kooxdii Shabaab ee ku sugnaa Isgoyska Sanca,halkaana uu ku geeriyooday ninkan lagu magacaabo Gaagaale oo ahaa horjooge ku xigeenka Gobolka Banaadir,waxaana laga qaatay gaarihii uu watay oo noociisu ahaa TOYOTA Hilux SURF.
Dhanka kale israsaasayn maanta ku dhexmaray labada maleeshiyo ee xisbiga iyo Shabaab isgooyska Bar ubax ayaa waxa ku geeriyootay haweeney halkaasi Shaah ku iibineysay,Arintaan ayaa la rumeeysanyahay in ay la xariirto falkii uu ku geeriyooday horjoogihii Shabaab ee Gaagaale .
Xurgufta u dhexaysa kooxaha shabab iyo xisbiga ayaa qayb ka ah falal u gaarsi ah oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay kooxahaasi ,taas oo muujineeysa sida ay ugu fashilmeen is xulufeeysigii dhinaca dagaalka ahaa oo ka dhaxeeyay labadaasi kooxood,oo dhibaatooyin farabadan ku haya shacabka Soomaaliyeed.




