Maamulka gobolka Banaadir ayaa saakay ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku sugan gooobaha ay dagaaladu ka soconayaan in ay ka fogaadaan, si ay uga baaqsadaan dhibaatada laga yaabo in ay ka soo gaarto dagaalada soconaya.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariig ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in maamulka gobolka banaadir ay shacabka ka xanuunsanayaan dhibaatada soo gaaraysa sidaa daraadeedna ay ugu nbaaqayaan in ay ka dheeraadaan goobaha Maleeshiyaadku ay ka dagaalamayaan, si aysan u dhicin in ay dhibaateeyaan maleeshiyadku marka ay ka xanuunsadaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu baaqaas u diray shacabka maadaama uu xil ka saaran yahay umadda gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku jira Isbitaalada magaalada ee ku wax yeeloobay dagaalada maalintii labad ka dhacay.
Dhinaca kale guulo hor leh ayay ciidamada Dowladdu ka gaareen dagaalkii saakay ka bilowday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxayna gacanta ku dhigeen goobo ay ka mid yihiin Isbitaalkii Laansaleeti, Garaash geedoole iyo qeybo ka mid ah degada Kaaraan, ayadoo wali ay ku sii siqayaan Isgoyska loo yaqaano Jiirada, oo ku dhow suuqa Kaaraan.
Saraakiil ku sugan Goobta dagaalku ka socdo ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ay saakay dhul badan ay ka saareen maleeshiyaadka Dowladnimada diidan oo wali ka sii cararaya deegaano ka baxsan goobaha uu dagaalku ka socdo.
Shacabka ku nool qeybta bari ee degmada Kaaraan oo la hadlay Radio Muqdisho waxay sheegeen in gawaari fara badan oo wada maleeshiyaad ajaanib iyo Soomali isugu jirta ay ka baxayaan degmada kaaraan, kuwaas oo ka yimid goobaha dagaaliku ka socdo.