
Shirkii Golaha Wasiirada Israel Ee Toddobaadkan Oo La Soo Hordhigay Mooshin Lagu Taageerayo Aqoonsiga Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay Mawqifkeeda
Tel eviv, March 16, 2010-(W.Wararka) - Shirkii Golaha Wasiirada Israel ee toddobaadkan uu ku yeeshay xarunta shirarka ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi ayaa la sheegay inuu wasiirka arrimaha dibedda Mr. Avigdor Lieberman uu soo hordhigay mooshin lagu taageerayo siddii ay Israel u hor kici lahayd aqoonsi ay beesha caalamku siiso Somaliland iyo qaabka ugu haboon ee loo diyaarin karo siddii ay Israel iyo Somaliland xidhiidh dhow u yeelan lahaayeen. Taas oo la sheegay in guddi ka kooban 4 xubnood oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel ay dhowaan u xil saartay inay daraasad ku soo sameeyaan habka Israel iyo Somaliland xidhiidh dhow uga dhex abuurmi lahaa.
Warkan oo lagu daabacay isla markaana aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee Golisnews.com, oo lagu daabacay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Avigdor Lieberman golaha wasiirada soo hor dhigay ayaa lagu sheegay in qaraarkaasi oo ka koobnaa laba bog oo ay soo diyaariyeen guddi ka kooban 4 xubnood oo wasaaradda arrimaha dibeddu u xilsaartay laga hor akhriyay shirkii golaha wasiiradu toddobaadkan ku yeeshay caasimada Tel Aviv qaraar lagu soo bandhigay uu xambaarsanaa laba qoddob oo kala ahaa qaabka ay Israel gacan uga gaysan karto wuxuu qaraarku ku tilmaamay olole siyaasadeed oo ay horkacayso dawladda Israel oo lagu gaadhsiinaayo farriinta aqoonsiga Somaliland beesha caalamka iyo sida aqoonsi ay hor kacdo Israel oo la siiyo Somaliland uu u caawin karo la dagaalanka argagixisada iyo budhcad baddeeda.
Waxa kale oo mooshinkaasi lagu xusay taariikhda siyaasadeed, bulsho, dhaqan iyo dhaqaale ee Somaliland.
Mooshinka qabyada ah ayaa sidoo kale la sheegay in nuqul ka mid ah loo gudbiyay Ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, sidii xafiiskiisu iskaashi buuxda arrintani ugala samayn lahaa dalalka sida weyn ay Israel iskugu dhaw yihiin.
Mooshinkan la sheegay in dawlada Israel ay soo bandhigtay ayaa sidoo kale lagu sheegay in habeen hore laga daawanayay isla markaana si toos ah looga baahiyay telefishanka afka xukuumadda Israel ku hadla ee loo yaqaano Mabat Israel Tv station One.
Dhinaca kale waxa dhowaan afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israel Yigal Palmor oo wareysi uu siiyey wergeyska the Haartz Daily lagaga soo xigtay arrimahaasi isla markaana warkaasi uu ku baahay saxaafadda caalamka iyo guud ahaanba daafaha dunida.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland,C/laahi Maxamed Ducaale oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay isla markaana wax kaga weydiinay mawqifkooda xukuumad ahaan ee ku wajahan arrimaha la xidhiidha aqoonsi ay Israel siiso Somaliland iyo waxa ay kala socdaan xukuumad ahaan ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintaasi isla markaana afka ka xidhay isagoo tilmaamay in aanu wakhtigan xaadirka ah aanu ka hadlayn mawduucaas.









