Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SHEEKO CAJIIB AH...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Wed Mar 17, 2010 9:58 am

Salaam

Ku cibro qaata sheekadan esp those of you who still dreaming moving back home.

----------------------------------------------------------------------------------------

Maalin baa anagoo dhowr Soomaali ah waxa noo sheekeysey gabar Swedish ah, gabadhan oo waqti dheer ka shaqayneysey arimaha ajaanibka, aadna u jeceleyd ajaanibka, aakhirkiina guursatey inan Greek ah. Waxay maalintaa nooga sheekeysey qiso cajiiba oo ku dhacdey odey dalka Sweden yimi 40 sano ka hor. Aakhirkii qisada qisada ayay na siisey talo runtii wax ku ool ahayd, oo quseysa cid walba oon ku qanacsanayn nolosha qurbaha, ku hamiyaya inay ku noqdaan dalkooda hooyo.


Nimaan niyada marnaba ka degin


Waxaa jira odeygan gabadhan la deris ah oo 68 sano jir. Odeygan ayaa waxa uu uga sheekeeyey qisadii ka qabsatey imaanshihiisii Sweden iyo wuxuu ku hamiyi jirey. Odeygan ayaa waxaa uu kamid ahaa dadkii ay shirakadaha Swedishku shaqaale ahaan uga soo qorteen tuulo kamida Greeka sanadkii 1960kii. Markii uu yimi dalka Sweden, isagoo 24 jir ah, ayaa markiiba hore laga geeyey shirkad Taayarada Baabuurta sameysa. Waxaan xitaa jaanis loo siin in uu luqada ku barto, isaga iyo intii la socoteyba, madaama shaqaalo yari xun ay ka jirtey wadanka Sweden berigaa.


Markii uu 10 sano oo xidhiidha shaqaynayay, ayuu ku noqdey dalkiisii kana soo guursadey gabadh Greek ah. Gabadhii uu soo guursadey ayuu keeney Sweden kana dhigey guri joogto, madaama uu u sheegey inay dalka Sweden sii joogi doonaan uun 10 sano oo kale, oo ay ka aruursadaan lacag yar, kadibana dib ugu noqon doonaan tuuladoodii Greeka ku taaley. Waxaanuu u sheegey xaaskiisii inaaney u baahneyn inay xitaa barato luqada Swedhishka, madaama aaney ka anfici doonin Greeka. Sanadkii koowaad waxaa u dhashey wiil, sanadkii kaa ku xigeyna waxaa u dhashey gabar.


Odeygan iyo xaaskiisii ayaa bilaabey lacag aruuris ay aqal cad oo wacan uga dhistaan Greeka. Waxaa sidaa ku tagay 10 sano, waxaa ay labadii caruura ahaa bilaabeen dugsigii dhexe. Waxaa hantidii uu uruuriyey badhkeed lagu iibiyey dhul aad u balaaran oo tuuladiisii ah, kuna sii jeeda bada. Odeygii waxaa u suurto gali waysey inuu inuu isla markaaba dhisme ku bilaabo dhulkii isagoon lacagta dhismaha wada hayn. Waxaay dib u bilaabeen lacag uruuris kale oo ay ku dhamaystiraan Villadan caqiibada leh, ee ay dhisan doonaan. Waxaa sidaa mar kale ku tagay 10 sano oo kale, waxaa uu inankiisii iyo gabdhiisiiba dhameeyeen dugsigii sare. Wiilkii waxaa uu jecleystey inuu barto dhakhtarnimada , meesha gabadhiina ay dalbatey jaamacada Culuunta Bulshada.


Odeygii waxaa uu dhiniciisa ugu danbeyn soo dhameeystirey lacagtii, kaasoo u safrey Greeka, halkaasoo uu qandaraas ku siiyey shirkad, taasoo sanad gudaheed Villa cad wagac uga siisey odeygii. Odeygii ayaa u baahdey uun lacag sanad ama laba ah uu ku aruuriyo oo uu aqalka alaabta la dhigayo ku furdaamiyo.


Islaantii ayaa iyadu sidii u ahayd guri-joogto aan Swedish baran, maadaama sidaa heshiisku ahaa. Inankii ayaa heley jaamacadii dhakhtarnimada, kaasoo sanadkii labaad ee uu odeyga aqalka Greeka ku yaaal goglayay, ay is-barteen gabadh Swedish ah kuwaasoo aakhir isu guurey .


Inankii sanad kadib waxaa u dhashey wiil, meesha inantiina aqalkii aabaheed ay ka guurtey oo aqal gooni ah degtey oo jaamacadeeda u dhow.


Odeygii baa aakhiritaan dhameeyey goglidii aqalka, gaareyna da’dii howlgabka ee Sweden, 65 jir. Odeygii iyo Islaanti ayaa laalaabtey boorsooyinkoodii, kuwaasoo u guurey aqalkii cadaa ee Greeka ay ka dhisteen, kuwaasoo rajaynayay inay caruurtuna ka soo daba guuraan.


Laba sano markuu sugayay labadii caruura ee waqtigan waaweynaadey, oo nolol u gooniya mid walba lahaadey, ayuu odeygii iyo xaaskisii dareemey cidlo xooga. Waxaa uu arki waayey caruurtiisii, sidoo kale waxaa uu aad u tebey ilmihii uu awowga u noqdey.


Odeygii wuxuu is-xejiyaba waxaa uu sanadkii sadexaad go’aansadey inuu dib ugu soo guuro Sweden, si uu uga ag dhowaado carurtiiisa, kireeyana aqalkiisii uu mudada dheer ku hamiyeyey inay ku wada noolaadaan isaga iyo caruurtiisa. Odeygii ayaa ku soo noqdey Sweden, aqal ijaar ahna ka galey meel u dhow inankiisa.


Labada nooc ee ajaanibka


Gabdha qisadan nooga sheegtey ayaa noo sheegtey in odeyga mar walba oo ay aragto uu ku calaacalo sida uu waqtiga u dhayalsadey, isagoo wali niyada ku haya dalkiisii. Waxay gabadhani noo sheegetey in ajaanibka intii ay la shaqeyneysey, si kastooy dalka ku yimaadanba, ay ogaatey inay u kala baxaan laba nooc:-


Kuwo dalka marka ay yimaadaan boorsooyikooda gacmaha iyo kuwa qalbigaba dhigta. Kuwan ayaa isa siiya dalka ay yimaadeen, una diyaar garooba inay dalka wax ka lahaadaan, caruutoodana sidaa si le’eg u tababara. Waxay iska ilaawaan dalkii ay ka yimaadeen, kana dhigtaan dalkan cusub dalkoodii hooyo ama koodii hooyo ee labaad.


Nooca labaad ayaa ah kuwo dalkan duruufo xoog leh oo ku yimi darted u yimi, balse jeclaa dalkoodii. Kuwan ayaa boorsooyinkooda gacanta dhigta, laakiin boorsooyinkooda qalbiga wali u xirxiran.


Kuwan ayaa mar walba ku hamiya inay noqodaan ama ku noqon doonaan dalkoodii marka xaalku ka wanaagsanaado sida uu markaa ahaa. Kuwan ayaa in badan oo ka mida ka dhabeeyan, kuwaasoo hore ka noqda marka isbedel yimaado.


Balse kuwa kale ayaa waqitgu ku jiitamaa, kuwaasoo dhinacna aan ahayn. Kuwan ayaa bilaaba aqal dhis mudo qaata ama qaban qaabo aan go’aan culu ka danbeyn. Kuwan ayaa qorshaha ku darsan in sanad walba cimri u korayo caruurta ay hayaan, ama ay doonayaan sida hamigooda ah inay dalkooda hooyo ku korsadan.


Jismigaaga iyo qalbigaaga hal wadan ma wada joogaan ?


Gabadhan ayaa ku talisey in ay wanagsan tahay dadka aan niyada ka degin ama noqoshadu ku jirto ay noqdaan 10 sano ee ugu horeeya ee ay dal cusub yimaadaan. Waxaa ay noo sheegtey, ka khibrad ahaan, in wixii 10 kaa sano ka danbeeya ay dhib noqonayso noqoshada.


Dad yar baa ku guuleysta inay noqdaan, maadaama ay xeerinayaan arimo badan, oo ay caruurta iskuulaadka ka dhigta ugu horeyso. Waxay inoo sheegtey in ay dhib maskaxeed leedahay in niyaduna meel rabto, jisimiguna meel kale joogo.


Khilaafka noocan oo kale waxaa u keenaa stress badan iyo qofka oo aan had iyo jeer qanacsanayn. Waxaa muhiima ayay tidhi, in jismigaaga iyo qalbigaaga hal wadan wada joogaan.


Waxaa marag ma doonto ah hadaba in ay jiraan dad badan oo Soomaaliya oo la midaa odeygaas, kuwaasoo beri hore qurbe soo galey, balse boorsooyinkooda wali kor u haysta, niyadana ka jecel inay dalkoodii hooyo ku laabtaan. Kuwan ayaa waxaa looga baahan yahay inay gaadhaan go’aano adag iyo jadwal-waqtiyeed macquul ah, kana dhabeeye hamigooda. Waa sida ay gabadhu tidhiye, waxaa wanaagsan in qalbigaagu iyo qolofkaagu meel wada joogaan.





By Yassin

Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Niya » Wed Mar 17, 2010 11:57 am

Interesting article Helwaa. Waa run, dad badan baa ku hammiyo inay noqdaan. Niya is not one of them, my piece of Puntland is for sale lol!

Where is the picture though? Waxaan sugayey oday griig ah ama villa cajiib ah :)

HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Wed Mar 17, 2010 4:02 pm

:lol: :lol: Horta why do pple expect me to post pics all the time?

Niya

Dad badan bay shandaduhu oo xidhxidhan yehiin mana tagayaan.Dont sell that piece of land of urs, you may need it one day.

Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Niya » Thu Mar 18, 2010 10:12 am

[quote="HELWAA
Dont sell that piece of land of urs, you may need it one day.[/quote]

Helwaa, I was kidding about the land but serious about not returning. Maan soo qaxin anigu, I emigrated from dhulkii lol!!

Sawiradda adaa na baray, so we expect to be surprised pleasantly :)

HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Thu Mar 18, 2010 11:50 am

Niya

Runta sheeg, dhulkan gaalada inagu iskama lehine ee aakhirka kii aynu lahayn baynu inshallah ku noqon hadi ilaahy nafta ino daayo.

As for the picture there was a pic that followed the article that i left out...there satisfied now :mrgreen:

It seems to me i cant edit anymore...so here ist..

Image

User avatar
Du$ty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1561
Joined: Thu Nov 08, 2007 6:36 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Du$ty » Thu Mar 18, 2010 12:19 pm

:|

HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Thu Mar 18, 2010 12:21 pm

Disdy

It's ok if you cant read somali.Ask ur mother to read for you. :up:

User avatar
Du$ty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1561
Joined: Thu Nov 08, 2007 6:36 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Du$ty » Thu Mar 18, 2010 12:24 pm

May Allah Bless Her Soul With Janah.. Shes Dead :rose:

HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Thu Mar 18, 2010 12:31 pm

Walle ma sidaas ba, ilaahy ha oo naxariisto.

ms.naliaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7488
Joined: Mon Jan 12, 2009 8:18 pm

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby ms.naliaa » Thu Mar 18, 2010 1:07 pm

Helwaa....can you translate that or know where I can read it in english?
:|

or you can tell me what its about

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Dhaga Bacayl » Thu Mar 18, 2010 1:30 pm

Everyone I know is planing to go back home laakiin taladeedi ma hayo.

User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby Sir-Luggoyo » Thu Mar 18, 2010 1:31 pm

Helwa,

Why do you assume that everyone is as old as you and can read Somali and understand it. Either translate it for us or stop pasting the fukken peasant language.

We were born in America and never seen your fukked up country. Capishe

ms.naliaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7488
Joined: Mon Jan 12, 2009 8:18 pm

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby ms.naliaa » Thu Mar 18, 2010 1:55 pm

Helwa,

Why do you assume that everyone is as old as you and can read Somali and understand it. Either translate it for us or stop pasting the fukken peasant language.

We were born in America and never seen your fukked up country. Capishe
Whoa....that was soo unccessary Sirl L.

Calm down man

HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19742
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby HELWAA » Thu Mar 18, 2010 2:55 pm

Sir lugta

:o :o :o ... :x :x :x


Dhaga

Bal sida odayga ha ku gaboobin uun.


Nalia

The story is to damn long and i dont have the time to writ it all down...ask sir lugta...he owe me a favor after what he have just said. :x
Last edited by HELWAA on Thu Mar 18, 2010 3:05 pm, edited 1 time in total.

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: SHEEKO CAJIIB AH...

Postby The_Patriot » Thu Mar 18, 2010 3:01 pm

xelwa could you summarise your story plz its too long and could you also include commercial breaks.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 15 guests