Sh. Nuur Barud Gurxan oo ka qaybgalay shir looga hadlay dagaalada Somalia oo ka dhacay dhawaan Magaalada Dubai ayaa sheegay in culumadii shirkaas ka qaybgalay ay isku raaceen in dagaalka Somalia uusan ahayn mid jihaad ah.
Sh. Gurxan oo Indhool ah ayaa sheegay in culumadii shirkaas ka qaybgalay ay si weyn uga doodeen dagaalada ka socda Somalia iyo khilaafka u dhexeeya DF iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda sida Al-shabaab iyo Xisbul Islam.
"Dagaalka ka socda Somalia inuusan ahayn jihaad ayay culumadii shirka fadhiday isku raacay, waxaana loo fiiriyay daliilo badan oo diini ah, iyadoo lagu baaqay in la joojiyo dagaaladaas" ayuu yiri Sh. Nuur Barud Gurxan.
Mar uu ka hadlay sida culumada Islaamku ay u arkaan khilaafka u dhexeeya DF iyo kooxaha dagaalka kula jira ayay ku tilmaameen inuu yahay mid aan loo baahnayn, ayna labada dhinac ugu yeereen inay ku xaliyaan khilaafkoodka wadahadal.
"Waxaa la isku raacay in dagaalada ka dhacaya Gobolada Galguduud, Hiiraan iyo Banaadir aysan ahayn kuwo diinta Islaamka ku saleysan, waxayna culumadu ku dhawaaqeen in dagaalka la joojiyo maadaama ay ku dhimanayaan dad Muslimiin ah" ayuu yiri Sh. Nuur Baarud.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen culumada Islaamka ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan dhinacyada ku hardamaya awooda Somalia inay dagaalada joojiyaan, ayna diyaar u noqdaan in khilaafkooda lagu xaliyo wadahadal.
Ciidamada AMISOM ayuu sheegay Sh. Nuur Baarud inay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga baxayaan haddii la heshiiyo, isagoo sheegay inaysan noqon karin wax lagu marmarsiyoodo joogitaankooda.
Ugu dambeyn Sh. Nuur wuxuu sheegay in culumada Somalia ay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada ku dagaalamaya dalka, balse hadalkan waxaa ku gacansayray Sh. Mukhtar Robow oo sheegay inay sii wadayaan dagaalka.





