Iyadoo dagaalo xoogan oo looga taag roonaaday xoogaga Xarakada Alshabaab ay ka dhaceen gobolada dhexe sanadihii la soo dhaafay hadana waxay u egtayahay in Xarakada ay ku hami weyn tahay sidii mar kale ay dagaalo ay ula gali laheyd Culumaa'udiinka Ahlu Sunah ee haatan maamula goboladaasi.
Mas'uulka Alshabaab dhowaan u magacaabeen Gobolka G/gaduud Sheekh Yuusuf Kaba kudukade ayaa sheegay in dhowaan guluf ballaaran ay ku qaadi doonaan Degmooyinka gacantooda ka maqan ee Gobolkaas.
Mr Kaba Kudukade ayaa sheegay in ay la wareegi doonaan Degmooyinka Dhuusa Mareeb, Guriceel iyo deegaano kale oo ay maamulaan Ahlu Sunah Waljamaacah, isagoo ku eedeeyay in deegaanadaas ay ka wadaan dhibaato xoog leh.
Waxaa uu sheegay in diyaar garow xoogan ay u galeen sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaanada gacantooda ka maqan, waxaana uu carabka ku dhiftay in dhowaan ay qaadi doonaan weeraro ballaaran sida uu hadalka u dhigay.
Shabaabka ayaa hada ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaano kooban oo ka tirsan G/gaduud, iyadoo inta badan deegaanada gobolkaas ay ka taliyaan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo horay dagaalo ugu itaal roonaaday




