Page 1 of 1

ONLF Strikes.

Posted: Sun Mar 28, 2010 4:53 am
by zingii
Jabhaddda ONLF oo 5 qof oo Somaliland ka soo jeeda ku leysay deegaan ka tirsan Killilka shanaad ee Itoobiya

Sabti, 27 March 2010 (HOL)- Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay dad shacab ah oo reer Somaliland ah ku laayeen degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur ee kilalka Shanaad.

Sida uu xaqiijiyay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Jabhaddu waxay shalay degaan lagu magacaabo Ciryare oo ka tirsan degaanka Rabaso ku dileen shan wiil oo dhalinyaro ah. “Waxay dileen shan nin oo weliba dhalinyaro yaryar ah oo Geeljire ah,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid. “Waxay ku dileen meel lagu magacaabo Ciryare oo dhinaca Hawd ka xigta Rabaso, waxaana galabta (gelinkii dambe ee shalay) nimankaa lagu aasay magaalada Rabaso,” ayuu raaciyay. “Xilliga ay ONLF laysay, wiilashu waxay la joogeen Geel, intooda badana da’doodu labaatan jir way ka yar tahay, inta ay qabqabteen baanay laayeen,” ayuu yidhi.

Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa uu sheegay in weerar noocaas ah ay muddooyinkii u dambeeyay Jabhadda ONLF ku haysay mid ka mid ah Beelaha Somaliland ee halkaa dega, isla markaana ay marar hore weeraro ay soo qaaday ku laysay dad shicib ah oo Xoolo-dhaqato ah. “Weerarkan ONLF kii koowaad maaha oo waa kii shanaad ama lixaad, kan kii ka horeeyayna wuxuu ka dhacay dhinaca Galbeed ee Abokor ku beegan, dhinaca Bari ee Darroor ku beegana wuu ka dhacay, degaanka dhexe ee Rabaso ku beegana waa markii afraad. Markaa waa weerar joogto ah oo ay ku wadaan jiidaha ku beegan saddexdaa kaam ee waawayn ee Abokor, Rabaso iyo Darroor,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.

Mar la waydiiyay ujeedada ka dambaysa weerarka jabhadda ONLF ku hayso dadka degaankaas, waxa uu sheegay inay salka ku hayso qorshe ay jabhaddu ku doonayso sidii ay dadka shacabka ah ugu khasbi lahaayeen inay dagaalka ay wadaan gacan ku siiyaan. “Jabhaddu waxay dadka degaanka kula kacaan dhac iyo dil, imikana weeraro joogto ah bay ku hayaan dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan jiidahaas,” ayuu yidhi Caaqilku.

Dhinaca kale, mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno dhinaca ONLF, si aanu arrintan wax uga waydiino, nooma aysan suurtogelin in aanu helno.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland

http://www.hiiraan.com/news/2010/Mar/wa ... 7-9359.htm

Re: ONLF Strikes.

Posted: Sun Mar 28, 2010 4:57 am
by Faranacab
Zingi ONLF nimaan ku soo gardaroon shanta ma saarto. Sheekadan waa timir lafbaa ku jirta!

Inta dhimatay Alle ha u naxariisto..

Re: ONLF Strikes.

Posted: Sun Mar 28, 2010 5:08 am
by hanqadh
We dont have time for a small minded Caaqil who continues to release false statements while his clansmen are used as human shields of Xabashi troops.

ONLF have done his clansmen a favour by taking there A.Ks and releasing them, they should execute them en-masse next time.

30 of the Caaqils cousins were released into the Hawd recently.

ONLF will target you whether your Jidwaaq,Ogaden,Hawiye,Isaaq,etc This War is bigger than a few measely clanist focks looking to make a profit out of men fighting for Justice.

Re: ONLF Strikes.

Posted: Sun Mar 28, 2010 6:52 am
by sheekh-Farax-zero
AUN the dead, but Habashi lapdogs should think twice before they hand over innocent Ogadens to Habashi,
this looks direct response to their evil behaviour, stop this shit before it's to late or more and more
innocent life's 'll be lost.

Re: ONLF Strikes.

Posted: Mon Mar 29, 2010 8:59 am
by The_Patriot
Zingii uskag baadh tahay.

Re: ONLF Strikes.

Posted: Mon Mar 29, 2010 9:05 am
by hanqadh
Ujeeda kaluu meesha kalahaa..ONLF strikes :lol:

Re: ONLF Strikes.

Posted: Mon Mar 29, 2010 9:08 am
by AbdiWahab252
AUN the dead, but Habashi lapdogs should think twice before they hand over innocent Ogadens to Habashi,
this looks direct response to their evil behaviour, stop this shit before it's to late or more and more
innocent life's 'll be lost.

SheekhFarax,

So when will Cagdheer take their revenge on the Puntlanders in WArdheer for what Fuutole and Gorilla Muse did sending Caghdeer to Habashi :?:

Re: ONLF Strikes.

Posted: Mon Mar 29, 2010 11:05 am
by NewHargeisaGirl
What does ONLF stand for :?

Re: ONLF Strikes.

Posted: Mon Mar 29, 2010 11:15 am
by Oxidant
It stands for the Oromia National Liberation Front :up: :D