Ahlusunada Muqdisho oo bilaabay abaabul ciidan uruursi iyo diyaar garow dagaal.
Kadib markii todobaadkii la soo dhaafay ay Xarakada Alshabaab bilowday howl galo qabuuro bur burin oo ku soo faageen lafaha mashaa'ikh caan ah ayaa waxaa taas ay keentay in xubnaha Ahlu Sunah Waljamaacah garabka Muqdisho ee qunyar socodka ahaa ay bilaabeen abaabulo ka dhan ah Shabaabka.
Afhayeenka Ahlusunada Muqdisho Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in ay jawaab cad ka bixin doonaan ficilka ay Alshabaab qabuuraha uga soo saareen lafihii mashaa'ikhdooda, isagoo carabka ku adkeeyay in ay wadaan abaabul ciidan iyo diyaar garow dagaal.
Mr Soomow ayaa sheegay in haatan wadaan diiwaan gelin dadka diyaarka u ah in ay ka qeyb galaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Alshabaab, waxaana uu carabka ku adkeeyay in meel wanaagsan u marayo diyaar garowgaas.
Xubnaha Ahlusunada Muqdisho ayaa ahaa kuwo aanay horay wax qori ah u qaadin, hase ahaatee carada ay ka qaadeen tallaabadii Shabaabka ay ku bur buriyeen qabuurayaasha ayaa u muuqata mid soo dedejisay in ay ka dhiidhiyaan oo ay abaabul dagaal bilaabaan.
Lama oga sida Garabka Ahlusuna ee fadhigooda yahay Muqdisho ay libin la mid ah tii Ahlusunada Gobolada Dhexe ka gaareen Shabaab in ay iyaguna gaari karaan, laakiin marka loo eego dhaq dhaqaaqyada ay hada bilaabeen ayaa la mid ah tii sanadihii la soo dhaafay ay isugu abaabuleen Ahlusunada Gobolada Dhexe.




