Kulan xasaasi ah ayaa maanta waxaa Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ku qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha H/gidir, kaasoo ay uga hadlayeen xaalada beesha iyo ammaanka deegaanada ay degaan.
Kulankan ayaa ahaa mid Wasaarada Arrimaha Dibada soo qaban qaabisay, kaasoo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka beesha, isla markaana mowqif mid ah ka qaadan lahaayeen xaaladaha socda.
Wasiirada kulankaas ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdi Qeybdiid, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Jaalle Indha Cadde.
Sidoo kale waxgaradka kulankaas ka qeyb galay ayaa waxaa horboodayay Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Beesha H/gidir, waxaana kulanka intii uu socday loo diiday warbaahinta in ay ka qeyb gasho, inkastoo markii uu soo dhamaaday saxaafada looga warbixiyay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa saxaafada uga warbixiyay markii uu soo idlaaday kulanka, isagoo sheegay in Beesha ay taageereyso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in go'aano muhiim ah ay ka soo baxeen kulanka.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa soo hadal qaaday dagaalo beeleedyada ka socda deegaanada gobolada dalka ee ay degto Beesha, isagoo sheegay in ay isku afgarteen in la mideeyo Maamulada deegaanada ay degto Beesha H/gidir.
Sidoo kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid beesha muhiim u ah, iska war qabkeeda, waxaana uu xusay in ay soo dhoweynayaan go'aanada ay isla garteen, kaasoo uu tilmaamay in ay u gogol xaareyso Midinimada Beesha.
Beesha H/gidir oo ka mid ah beelaha ugu tunka weyn ayaa saameyn culus ku leh siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo Beeshan ay horay horseed uga aheyd kacdoonadii lagala soo horjeeday Dowladdii uu madaxda ka ahaa Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed.
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
In other news, ahlusunnah and the citizens of guriceel opened new hospital:






these guys can grab cities if they want to but without hg support shabaab will not have peace in galgaduud neither in xamar. shabaab not welcome in ardul hawiye such as galmudug,banadir,hiiraan,galgaduud. now abgaal are doing kacdoon in shabellaha hoose



