Page 1 of 1

Awdal State

Posted: Wed Apr 07, 2010 5:00 pm
by AwdalPrince
[youtube]VWYn_nhOSB0&feature=related[/youtube]


Allah dhulkii hooyo.
Sida dhuxii Boorame

Enjoy the song :up: :D

GEEDDAN
Guyaal iyo Guyaal iyo Guyaal

Qarniyo guudkooda

Taariikh gu’ weynuu lahaa

Geeshka samaroonku

Iyo gedaha maanta uu yahee

Laga galiilyoodo

Gocashada Xasuustiyo Godaal

Gabayga ii geysay

Adaan kula gulaashaye miyuusi

Jiibta ila gooddi

Gedihii Horaas iyo Virgiilii

iila gunud heesta
Harraad igu gaboobaan rabaa

Inan ka gooshaaye

Ummad wada gammiintaan rabaa

Inay gadoodaaye

Miltoniiii gabay iiga mara

Gaydha igu caawi
Waxba gaaxsan maayee

Mar uun gorofka ii buuxi

*

Guyaal iyo guyaal iyo quyaal

Qarniyo guudkooda

Gaallaawuhu kolkuu joogayuu

Galayay ciiddeena

Sooyaal gaboobiyo wuxuu

Galawgu ii sheegay

Cumar Good afkiisiyo waxan

Oday ka soo gaadhay

Dhallinyaro gadoodaay war baan

Idin garwaaqsiine

Garta oo ujeeddada fahmoo

Gaydha socodsiiya

Tixdu geeddan weeyiye dhammaan

Geliya laabtiina

*

Gadabuursi geyiguu degee

Guule nagu beeray

Taariikhda goortaan darseen

Dib u gadaal raaco

Saylac buu gundhigu noo ahaa

Goob la joogaba e

Xoolo laga gadyaa iyo cilmiga

Laga gol nuugyaaba

Niman awdal soo gelin la waa

Girrid awowgiiye

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Xidid an guurayne

Iskadaa carabta soo gudboon

Badda gedaankeede

Gujaraati baa laga yiqiin

Galadaheegiiye

Niman awdal soo gelin la waa

Girrid awowgiiye

Ilbaxnimo u gaaray lahayd

Xidid an guurayne

Iskadaa carabta soo gudboon

Badda gedaankeede

Gujaraati baa laga yiqiin

Galadaheegiiye

Garna waxay la yeesheen

Markay gaaladii timide

Iyagoon dhulkii gelin ayay

Badda ku gaadheene

Saan bay kaga guddoonsheen heshiis

Guurti soo madhaye

Odayadii la soo guray ayaan

Muran ka gooshnayne

Hebelaaba loo garanayaa

Gebi ahaantoode

Gadabuursi buu wada ahaa

Guddi horraadkiiye


Re: Awdal State

Posted: Wed Apr 07, 2010 5:01 pm
by dawwa9
My second favorite part of Somalia after Puntland. :som: :sland:

Re: Awdal State

Posted: Wed Apr 07, 2010 5:03 pm
by AwdalPrince
My second favorite part of Somalia after Puntland. :som: :sland:
Awdal is the mother of East Africa :up:

Re: Awdal State

Posted: Wed Apr 07, 2010 7:19 pm
by manarab
Does Awdal State collaborate with Ethiopia in harming Somalis?