









Tababar Degmada Carmo Loogu Furay Ciidan ka tirsan DFKM ah iyo Puntland
April 12, 2010 | NEWS
Waxaa degmada Carmo gaar ahaan Xarunta Akadeemiyada tababar loogu furay Ciidan ka mid noqon doona kuwa Booliska DFKM ah iyo Dowlada Puntland.
Akademiyada degmada Carmo ayaa saaka tababar looga furay Ciidan tiradooda gaarayso 600-Askari oo isugu jira Rag iyo dumar,waxaana tababarka uu socon doona mudo 6-bilood.
Maalinta Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April oo sanad weliba la xuso ayaa saaka si rasmi ah laga xusay halkaasi,waxaana munaasabadaasi goobjoog ka ahaa masuuliyin ka tirsan Dowlada Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Gen.Yusuf Ahmed Khayr iyo Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf.
Gudoomiyaha degmada Carmo Cawad Xuseen oo la hadlay Horseed Media munaasabada ka dib ayaa sheegay in tababarka loo furay Askartaas ka mid noqon doona Ciidanka DFKM ah iyo kuwa Puntland ay fulin doonaan Saraakil aqoon u leh arimaha Ciidanka.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan arimaha horumarinta ee UNDP ay gacan ka geysan doonto tababarka iyo weliba qalabka la siinaayo Booliska.
Gudoomiyaha ayaa xusay in furitaanka tababarka lagu waday inuu kasoo qaybgalo Wasiirka arimaha gudaha DFKM ah balse uusan imaan sababo jira awgeed oo aan la sheegin.
Akadeemiyada Carmo ayaa dhowr jeer hore tababar loogu furay Ciidan ka tirsan kuwa DFKM ah iyo Puntland,waxaana ay tahay xarun weyn oo loogu tababaro Booliska.
Horseed Media





