Page 1 of 1

Mujahid Xeefoow xafidullah in Mogadishu

Posted: Tue Apr 13, 2010 12:00 pm
by AhlulbaytSoldier
http://radiomuqdisho.net/images/DSC02712.JPG
Other members of the scholars:
http://radiomuqdisho.net/userfiles/DSC02708.JPG
Wafdi Culumada ASWJ ka socda oo Muqdisho soo gaaray. SAWIRRO.

Tuesday 13 April 2010 04:35 PM

...




Wafdi ballaaran oo ka socda Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayago ka soo ambabaxay magaalada Guri ceel ee gobolka Galguduud.

Wafdigaan ka socda ASWJ waxaa hogaaminayay gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Culumada Sh. Maxamed Yuusuf Xeefoow waxayna kor u dhaafayeen 20 xubnood.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Jurille Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/laahi Gaafoow maxamuud, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed C/salaan Aadan.

Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee ASWJ ayaa warbaahinta u sheegay in ay halkaan u yimideen sidii loo sii xoojin lahaa heshiiskii dhex maray ASWJ iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya, taas oo ay hadda ku howlan yihiin guddiyo loo xil saaray.

Sidoo kale wafdigaan ayaa sheegay in imaanshahooda ay qeyb ka tahay dadaalada dalka loga xuraynayo dhibaatada y kooxaha Dowladnimada diidan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dalkaba.

Waxaa la dejiyay wafdigaan goobo loo qorsheeyay waxaana la sheegay in maalinta berri ah ay bilaabi doonaan howlaha ay Muqdisho u yimideen oo ah fulinta qodobadii lagu heshiiyay oo ay qeyb ka tahay in la mideeyo awoodaha iyo siyaasadda ASWJ iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.