walahi kuwaan ineey iska dhintaan baa uu roon..bal arka waxaan dowlad isku sheega ah sida wadan xun oo gaja ah ugu talinayo..ina lilahi wa inaa lilahi rajicuun..wadankii iyo dadkeeni sharaftiisi kuwan meel beey uga dhaceen waa wax aan damiir iyo shariiftoona laheeyn..imaanki baa ilahay ka qadaay..
Kulan xaley 16 April,2010 ka dhacey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa natiijo laáan ku dhamaadey kadib markii Duplomasiyiin ka tirsan beesha caalamka ku guul dareysteen iney dhexdhexaadiyaan Guddoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Madobe iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheekh Shariif.
Murankaan oo salka ku haya mooshin kalsoonida lagala noqonayo Ra''ilsa wasaare Cumar Cabdi-Rashid iyo Xukuumadiisa kaasoo dabada ka riixayaan Xildhibaano uu hogaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Somalia Sheekh Adaan Madobe ayaa waxaa diidan Madaxweyne Shekh Shariif iyo ninka ay aadka isugu dhow yihiin islamarkaana ah Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan.
Bur-Burka shirkaan xaley kadib ayaa sida warar lagu kalsoon yahay u sheegeen Garowe Online in dhinacyadii is-khilaafsanaa damceen iney diyaarado kala duwan u soo qaataan magaalada Muqdisho balse waxaa taas ganafka ku dhuftey dowladda Kenya oo ku khasabtey labada dhinac iney isku diyaarad ku duulaan.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo la socdey diyaaradaas ayaa Garowe Online u sheegey in Xildhibaano gaaraya 70 taneeyo, Guddomiyaha Barlamanka, Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif aysan wada hadlin inta duulimaadkaan lagu gudda jirey.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya mooshin kale oo dhinac socda kan xukumada kaasoo Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyada iyo Shariif Xasan rabaan in xilka Guddoomiyaha Barlamanka laga qaado Sheekh Aadan Madoobe.
Wararkaan ayaa xusaya in Raísal Wasaare Cumar Cabdi Rashid iyo Madaxweyne Sheekh Shariif rabaan in xilka Guddoomiyaha Barlamanka Somalia mar kale uu qabto Shariif Xasan oo iminka ah Raísal wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Maaliyada.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro isku-day kale oo lagu dhexdhexadinayey dhinacyadaan markii ay kasoo dageen Garoonka diyaaradaha Muqdisho kaasoo ka qayb galeen saraakiil Mareykan ah kaas oo fashilmey mar kale.
Isku-soo duub-oo waxaa magaalada Muqdisho maalinta berri ah 18 April,2010 ka bilaamaya loolan siyaasdeed oo xoogaan kaasoo surtagalin kara in 48 saac gudahood xilka midkood waayo waa Raísal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid iyo Guddoomiyaha Barlamanka Aadan Madobe.
Xildhibaanada la socdey diyaarada kuwaasoo gaaraya 70 ayaa wararku sheegayaan iney fikirka la wadaagan Guddoomiyaha Barlamanka kuwasoo aaminsan in Xukumada Cumar Cabdirashid joogta waqtigii lala xisaabtami lahaa halka kuwo dowladda la dhacsan rumeysan yihiin in Aadan Madobe waqtigiisa dhamaadey uuna xilka isaga dago.