Wakiilka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah u magacaabeen Gobolka Banaadir Sheekh C/qaadir Macalin Nuur ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysay ee ay qaadi doonaan ay tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmooyinka Banaadir.
Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii abaabul dagaal uga bilaabi lahaayeen Caasimada, isagoo xusay in dagaaladii Gobolada dhexe ay u soo wareejin doonaan Magaalada Muqdisho.
"Nimankaan Khawaarijta waxay yihiin kuwo Diinta ka been sheegaya, waxaana ku dadaali doonaa inaan Degmooyinka Banaadir ka xoreyno, dadkana aan ka dulqaadno culeyska heysta"ayuu yiri Sheekh C/qaadir Macalin Nuur.
Waxaa uu ugu baaqay Dowladda KMG in ay iska kaashadaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana uu xusay in dhinacooda diyaariyeen Ciidamo.
"Dhinaceena waxaa diyaarinay Ciidamadii howl geli lahaa, dhowaana waxaa weerari doonaan meel walba oo ay Muqdisho ka joogaan"ayuu hadalkiisa ku sii daray Ina Macalin Nuur Maxaa Siyaad oo aabihiisa ahaa Caalim aad loo yaqaano.
Qorshaha Ahlu Sunah ku dooneyso in ay dalka oo dhan kula wareegto ayaa ah mid ugub ah, waxaana haatan jira heshiis is faham oo u dhaxeeya iyaga iyo Dowladda KMG, waxaana Ahlu Sunah horay uga guuleysteen in ay la wareegaan deegaanada Gobolada Dhexe.
Maamulka Ahlu Sunah u magacaabeen Gobolka Banaadir ayaa ah maamulkii afaraad oo dhinacyada siyaasada isku haaya ay u wada magacaabaan Caasimada Soomaaliya oo haatan ah meesha kaliya oo hardanka siyaasadeed ka socdo.



