waxaa la daabacay Wed 21 Apr 2010 10: 52: 59
Dagaalki qaraaraa ee aroornimadi hore ee saakay ka qarxay tuulooyinka hoos yimaado degmada Masagaway ee Balaquwad iyo Maraay Suuley ayaa waxa lasoo sheegayaa in uu haatan marayo heer gabo gabo ah, iyadoo ciidamada dagaalka udhaxeeyana ay iminka kala joogaan fariisimo aad uga darugsan halka marka hore dagaalka ka bilaawday.
Dagaalka oo marki horeba sida la sheegay ku bilaawday weerar ay qaadeen dhinaca Ahlusunnah ayaa wararki udambeeyay ee aanu ka heno deegaanadaani sheegayaan in culuma'udiinka ahlusunah ay halkaasi kasoo hoyeen guulo taariikhi ah iyadoo dagaalka iminka marayo deegaanada kala ah Ceel Abaaji iyo Hilowle gaab oo ka wada tirsan degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe.
Mujahidiinta Culuma'udiinka ahlusunah oo taageero hiil iyo hooba ka helay Dadka ku dhaqan deegaanadaani ayaa waxa ay dagaalki maanta usaamaxay in ay jibaaxaan masaafo aad udheer marka loo fiiriyo fogaanshaha ay isu jiraan Degmada Masagaway oo ah halka ay kasoo ruqaansadeen iyo Ceel Abaaji iyo Hilowle Gaab oo ah halka iminka marayo Dagaalka.
Ahlusunah ayaa sidoo kale waxa ay tibaaxeen dagaalki maanta in ay ku dileen in ka badan 75 ruux oo katirsan maleeshiyada xarakada alshabaab al murtaddiin iyadoo tiro intaa ka badan oo dhaawac ah , ahlsunnah ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay jiraan tiro Ciidan katirsan Alshabaab oo aan cadadkooda la cayiman in ay nolosha kusoo qabteen isla markaana la marsiin doono waajibaadkooda .
Dagaalki Maanta oo ahaa mid qaraar isla markaana ay ka qeyb qaadanayeen gurmadyadi udambeeyay ee labada dhnac soo kala gaaray gaar ahaan dhinaca ahlusuna oo iyaga gurmadka ugu badan ee soo gaaray ahaa dadka deegaanka ah oo ubadan beeraleeda iyo geeleyda gobolka halka dhinaca Xarakada murtaddiinta alshabaabna oo gurmad kasoo gaarayay Fariisimanka ay ku kala leeyihiin deegaanada ay ka taliyaan iyadoo sidoo kale ay jirtay gurmad xoogan oo maanta soo gaaray alshabaab kuwaasi oo ilaa iyo gobolada Bay iyo Bakool kasoo ruqaansaday.
dagaalka maanta oo iminka kusoo biyo shubtay laba jiho oo kala ah Ceel Abaaji iyo Hilowle gaab ayaa waxa uu iminka dagaal xoogani ka socdaa dhanka Hilowle gaab halkaasi oo ciidan gaarayo ku dhawaad boqol oo katirsan xarakada alshabaab ay ku go'doonsan yihiin, iyadoo go'doon galida ciidankaani loo aaneenayo laba sifo mid waa ciidanki oo aan garaneen dhulka iyo goofafka gaar go'anka ah ee iminka dagaalka kusoo fiday iyo Ciidamada ahlusuna oo marki horeba ahaa dad deegaanka ah aadna ugu dheereeyo aqoonta dhulka howdka ah ee iminka dagaalka ka socda.
____
Dagaal culus oo deegaan ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Ah-shabaab al murtaddiin..
Arbaco, 21, April, 2010 (HOL ) Sida ay cadeeyeen Saraakiil u kala hadashay Xoogagga Mujahidiinta Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Murtaddiinta Al-shabaab waxaa goor dhaw uun soo gaba gaboobay dagaal aad u culus oo labada dhinac ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Ceel-buculle oo ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud.
Sida uu sheegay Madaxa Warfaafinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi dagaallka ayaa waxaa soo qaaday Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo sida uu sheegay Shiikh C/llaahi doonayay in ay halkaa ka saaraan Ciidamo ka tirsan kuwa Murtaddiinta Al-shabaab oo soo galay, waxaana uu intaa ku darray in ay jab u geysteen Ciidamadii ay halkaa kula dagaalleen islamarkaana ay ka furteen gaadiid dagaal waa sida uu hadalka u dhigaye .
Laakiin Af-hayeenka Xarrakada Al-shabaab al khawarij Shaytan Cali Max'uud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhinacooda ay guulo ka gaareen dagaallka islamarkaana ay jabiyeen kooxihii sida uu yiri soo weeraray, waxaana uu intaa ku darray in ay haddana Ciidamadooda ku sii jeedaan dhinaca degmada Dhuusa-mareeb.
Laakiin warar madax banaan oo ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in goobihii lagu dagaallamay hadda ku sugan yihiin Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, ilaa haddana dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallka dhaxmaray labada dhinac.
Dadka sida weyn ugu dhuun daloola arrimaha Militariga ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen Xoogagga Mujahidiinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca yahay mid la doonayo in culuyska looga dul qaado taageerayaashood ku sugan degmada Galcad oo maalintii shalay ay qabsadeen Xarrakada Murtaddiinta Al-shabaab.
Waxaana wararku intaa ku darayaan haddii ay dhab noqonto in Mujahidiinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ku guuleysteen dagaallka maanta ka dhacay deegaannka Ceel-buculle taasi u sahli karto in ay ku dhawaadaan degmada Ceel-garas oo muhiim u ah Xoogagga Xarrakada Murtaddiinta Al-shabaab.
http://hiiraan.com/news/2010/Apr/warark ... 1-9612.htm
more news(hopefully with some pictures too) will follow tomorrow inshallah.







